Taliska Booliiska oo sheegay in ay bilaabayaan baaritaan la xiriira dilkii Almaas Elman ee ka dhacay xerada Xalane

0
474

Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in uu bilaabay baaritaan la xiriira qaabkii uu dhacay dilka galinkii danbe ee shalay gudaha xarunta Xalane loogu geystay Almaas Elman oo aheyd gabar u dhaqdhaqaaqda Nabadda iyo Diblomaasi hore.

Taliyaha Booliiska Soomaaliya Xassan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in hay’adda Dabi -Baarista CID bilaawday baaritaanka arintan ku saabsan si loo ogaado dilka iyo ciddii ka danbeysay intaba oo ilaa iyo hadda aan wax war ah laga heyn.

Goobta dilkan uu ka dhacay ee Xalane ayaa ah xarun siweyn Amaankeeda loo ilaaliyo oo ay degan yihiin safaarradaha iyo hay’addaha caalamiga ah ee ka howlgala dalka, waxaana toogashadan loogu geystay Almaas Elman oo aheyd Diblomaasi horey shaki weyn ku abuuri kartaa nabad-galyada xarunta.

Almaas waxaa dhalay Alle ha u naxariisteen Elman Cali Axmed oo ahaa shaqi u dhaqdhaqaaqa Nabad-galyada iyo Aas-aasihiii hay’addan caan baxday ee ” Elman” waxaana la dilay sanadkii 1996dii, wixii xiligaan ka danbeeyayna waxaa howsha sii waday qoyskiisa, gaar ahaan Gabdhaha uu dhalay, sidoo kale Almaas waxaa ay walaalo yihiin Ilwad Elman oo hadda u sharaxan Billada Nobel -ka

Xigasho hiiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here