Wararkii u dambeeyey ee xaaladda xisbiga waddani iyo Halka Ay ku sugan yihiin

0
422

Hogaanka xisbiga WADANi iyo taageerayaal la socda ayaa iyagoo lugaynaya xoog ku soo jiidhay jidadkii la xidhay, waxaanay yimaadeen xaruntii xisbiga ee ciidanku ilaalinayey.
Waa markii kowaad ee ciidanka booliska taxadar badan sameeyaan ee si fudud ugu baneeyaan dad gadoodsan oo meeshii laga horjoogay aayar loo baneeyo.
Ciidanku wax caabin ah kuma samayn, waxaanay isku dayeen in aanay halkaasi rabashado ka dhicin, waxaase suurogal ah in madaxda iyo inta la socota mooyee inta kale laga horjoogsado si aanay dhibaato uga dhicin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here