DEG DEG Xoghayihii Guud Iyo Afhayeenkii Xisbiga Waddani Oo Xabsiga Loo Taxaabay

0
434

Xoghayihii Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee waddani Khadar xuseen cali iyo Afhayeenkii Xisbiga waddani Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, ayaa gor dhowayd ay ciidamada amaanka magaaladda Hargeysa Xabsiga U Taxaabeen.

Xadhiga Masuuliyiintan, ayaa la xidhiidha isku soo baxa uu xisbiga waddani guddoomiyihooodu ku baaqay in ay maalinta berri ah ku qaban doonaan xarunta xisbigaasi ee Hargeysa, waxaana arrintaasi sharci darro ku timaantay Xukuumadda o sheegtay in aanay ogolayn.

Xadhiga Masuuliyiintan, ayaa la sheegay in ay ciidamada amaanku ka qabteen gudaha magaaladda, waxaana markii hore la xidhay afhayeenka oo lagu xidhay saldhiga dhexe, halka xoghayaha guud oo isku dayey inuu boqdana la sheegay in ay ku dareen oo isagana la xidhay.

Sidaasina waxa warbaahinta u sheegay qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbiga waddani oo xaqiijiyey xadhiga labadan masuul, balse illaa hadda si rasmi ah ugama hadal xisbiga waddani xadhiga xubnahan, halka aanay illaa hadda ka hadal ciidamada amaanku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here