War-saxaafadeed: Madaxweynaha Somaliland Oo Masuuliyiin Cusub Magacaabay Qaarna Xilalkii Ka Qaaday

0
426

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadoodu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-378/112019 iyo JSL/XM/WM/222-379/112019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya  dalalka dibeda.

Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinka Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegtooyin Madaxweyne

XIL KA QAADIS

 

Ku:     Maxamuud Cabdi Dacar

Wakiilkii hore ee Somaliland ee Midowga Yurub

 

Ku:    Ayaan Maxamuud Maxamed

            Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Boqortooyada Ingiriiska

 

Ku:    Sulub Warsame Xuseen

Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Norway

 

Ku:    Cabdalla Muuse Axmed

Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya

 

Ku:    Cali Maxamed Axmed

Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Yaman

      

Og:    Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir

            Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

 

 

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

 

Mudanayaal iyo Marwo,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad u hayseen Qaranka. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilka Qaran.

 

MAGACAABID

 

 

 

 

Markaan Arkay:               Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

 

Markaan Tixgeliyey:        Ahmiyadda Wakiillada Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland u leeyihiin dhismaha Qaranka;

 

Markaan Arkay:               Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

 

Markaan ku Qancay:        In ay Hannan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

 

Markaan Sameeyey:         La-tashi;

 

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan:

 

Tir

Magaca

Xilka

1.

Cabdi Cabdillaahi Xirsi Maxamed

Wakiilka Somaliland ee Boqortooyada Ingiriiska

2.

Salaan Xasan Kayd Cabdille

Wakiilka Somaliland ee Midowga Yurub

3.

Yuusuf Maxamed Guuleed Boodhle

Wakiilka Somaliland ee Dalka Itoobiya

4.

Maxamed Maxamuud Aadan Samatar

Wakiilka Somaliland ee Dalka Norway

5.

Axmed Jaamac Xasan Shire

Wakiilka Somaliland ee Dalka Koonfur Afrika

6.

Mustafe Yuusuf Ismaaciil Cali

Wakiilka Somaliland ee Dalka Jarmalka

7.

Cali Axmed Cismaan

Wakiilka Somaliland ee Dalka Sucuudi Carabiya

8.

Axmed Cali Salaad Maxamed

Wakiilka Somaliland ee Dalka Yaman

9.

Barkhad Maxamuud Kaariye Samatar

Wakiil Ku-xigeenka Somaliland ee Dalka Itoobiya

 

 

Waxaan uga mahad-celinayaa Wakiilladii hore ee Somaliland muddadii ay hayeen xilka Qaranka.

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here