Laascaanood: Kawaan Casri Oo La Dhagax Dhigay | Duqa Degmada Iyo Gudoomiyaha Gobolka Oo si Wadajir ah U Qotomiyay

0
328

Waxaanu maanta aanu ka dhagaxdhignay magaallada Laascaanood Kawaan si casriya loo dhisay laguna gawraci doona xoolaha nool . Kawaaankan oo ay u dhammaystiran yihiin shuruucda & adeegyada looga baahan yahay xarun maalin walba bulshada u doonanayso maciishad daruuri ayaa waxaa fulisay haya’dda NRC.

Xarunta Kawaankan ayaa u kala qaybsan qaybo loo kala asteeyey gawraca qaybaha Xoolaha nool sida Geella, Adhiga & Lo’da. Waxaa sii raacda in dhinaca nadaafadda iyo fayo-dhawrka iyana xil la iska saaray oo loo asteeyey marino u gaara .

Mashaariicda horunarineed ee guud ahaan ka socda gobolka Sool ayaa qayb ka ah siyaasadda iyo ajandaha safka hore kaga jira barnaamij siyaasadeedka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyadoo laga fogaanayo balan qaad aan rumoobin ama dhagax dhig keliya mashaariic ku kooban.

Horumar & Hiigsi san.
Nabad horumar baaxadleh oo g-sool kutaalaansado in.a.

Guddoomiyaha gobolka Sool
Cabdiqani Maxamuud Jiidhe

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here