Madaxwene xaaf Muxuu Ka Yidhi Guuddida Ay Wasaaradda Arrimaha Guduhu soo magacaabeen

0
470

 Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa taageeray islamarkaana soo dhaweeyay guddiga farsamo ee maamul u sameynta Galmudug oo ay ku dhawaaqday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa qoraal uu soo saaray kusoo dhaweeyay Guddiga farsamada iyo maamul u sameynta ee magacawday dowlada federaalka, waxa uuna cadeeyay in raali ka yahay guddigan.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Xaaf in dhismaha guddigan kala qeyb qaateen Wasaarada Arimaha gudaha iyo federaalka, waxaa uuna balan qaaday in guddigan kala shaqeyn doonaan dhameystirka dhismaha Galmudug.

Guddigan ayaa lagu wadaa in ay gudaha gallaan farsamadii dhismaha Galmudug cusub loo dhan yahay, inkastoo wali ay jiraan caqabado ka taaggan dhismaha maamulkan oo ay beelaha qaar ka biyo diidan yihiin hab ay dowladdu ku maamuleyso qorshaha dhismaha maamulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here