Faah faahin ka soo baxeysa Qaraxyo lala eegtay ciidamada sida gaar ah u tababaran ee Booliiska Soomaaliya

0
365

 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qaraxyo xalay lala eegtay ciidamada sida gaar ah u tababaran ee Booliiska Dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabo [Harimacad] kuwaa oo ku safrayay waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Qaraxyadan oo gaar ahaan ka dhacay deegaanka Siinka Dheer ee dulleedka magaalada Muqdisho ayaa lagu waramayaa in ay sababeen dhimashada ilaa saddex Askari oo ka tirsanaa ciidamada la bartilmaameesaday, sidoo kalana waxaa lagu soo waramayaa in ay jiraan dhaawacyo soo gaaray ciidamada.

Goobta uu weerarkan ka dhacay ayaa toddobaadkii aynu soo dhaafnay lagu bartilmaameedsaday gaadiid ay la socdeen ciidamada DANAB ee dowladda Soomaaliya waxaana qaraxyo lagu weeraray sababeen dhimashada saraakiil ciidan.

Al-shabaab ayaa kordhiyay weerarrada ku beegsanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka howlgala deegaannada dhaca gobolka Shabeellaha Hoose, mana jiro wax war ah oo wali ka soo baxay saraakiisha ciidamada oo ka hadlaya weerarkii ugu danbeeyay ee lala eegtay ciidamada Booliiska

xigasho hiiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here