Maayarka Berbera Oo Garab Maray Goaankii Xukuumada somaliland Ku Joojisay Mashruucii Eng Yariisoow ee Horumarinta Muqdisho iyo Berbera

0
396

Maayarka Berbera Oo Garab Maray Goaankii Xukuumada somaliland Ku Joojisay Mashruucii Eng Yariisoow ee Horumarinta Muqdisho iyo Berbera

Mashruuc loogu magac Daray Eng Yariisoow oo ahaa Duqii Muqdisho ee Qaraxa Ku Geeriyooday ayaa si Rasmi ah Looga Bilaabay somaliland.

Mashruucan oo ay Bixinayso Midowga Yurub isla markaana lasoo marinaayo dawlada soomaaliya ee Farmaajo Hogaamiyo ayaa laga Bud dhigay Magaalada Berbera ee xarunta Gobolka saaxil.

Masuul ka wakiil ah Mashruucan oo lagu Magcaabo ayaa Kulan qarsoodi ahaa Balse dibada usoo baxay isla Markaana ay heshay Mareegta saylactoday la yeeshay Duqa Magaalada Berbera Cabdishakuur Cidin kaasi oo sheegay in uu Magaalada ka bilaabi doono Qorshahaas Xamaraysan ee Dalka hore looga Joojiyay isla Markaana ay Golaha wasiirada Somaliland ku Gacan saydheen.

Kuwani waa Heshiiska ay Labada dhinac ee Kala Metelaya Somaliya iyo Berbera wada gaadheen oo uu bartiisa facebook ku baahiyay Wakiilka Mashruucan taasi oo aan la ogayn xili xukuumadu ogolaatay iyo goor uu Dalka soo Galay.

 

Waa Sawirada Maayarka iyo Masuulka Mashruuca Horumarinta Boosaaso iyo Berbera ee lagu Magcaabo Eng yariisoow.

Muuqaalkani Waa Mashruuca Wng yariisoow oo lagu Kala saxeexanayo Muqdisho kaas oo lagu dhisaayo Berbera iyo Boosaaso

Muuqaalkani waa Golaha wasiirada somaliland oo Goaan kasoo saaray Kuna Gacan saydhay Mashruucan Maayarka berbera Cabdisgakuur Cidib Tuurta ku qaatay Lana dhukusaayo iyadoo dhabarku Muuqdo.

Dhinaca Kale Wasaarada Qorshaynta qaranka ayaa ku gacan saydhay Halka uu sidoo Kalena wasiirka Gaadiidka iyo Jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan

Ugu danbayn ilaa Hada lama Garanayo Sababta Cidin ugu gefay Siyaasada qaranka iyo Tan Somaliland ee ku Waajahan Somaliweyn xili Uu talada Dalka Gacanta ku hayo Madaxweyne Muuse Biixi oo ka mid ahaa Halgamayaashii SNM ee Dagaalada qadhaadh lasoo galay Dawladii siyaad bare Kaasoo ay u Intaa u dheer tahay in wadahadal iyo xidhiidh lala yeesho Muqdisho isla markaana Talada dalka ky Fuulay Nacaybka somaliweyn.

Cidin iyo Muuse Biixi ayaa Isku qoys ah marka Laga Hadlaayo beesha Dhexe ee Isaaq Taasina Waa sababta Looga shakisan yahay in Maayarka berbera isku Halaynta Intan leeg uga Bilaabayo Mashruuca Yariisoow oo dawladu diiday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here