Maamulka Dugsiyada Nuuradiin Oo Abaalmarino Qaaliya Guddoonsiiyey Ardeydii Kaalmaha Hore Gashay Imtixaankii Shahaadiga Ahaa

0
510

Xaflad aad loo soo agaasimay oo lagu abaalmarinayay 10 kii arday ee ugu sarreeyay dugsiyada sare ee Noradin ayaa lagu qabtay barxadda dugsiga sare ee hablaha Noradin. Xafladdan oo ay kasoo qayb galeen Maamulka, macallimiinta, waalidka, ardayda iyo marti sharaf aad u tiro badan ayaa farxadda iyo hambalyada waxa lagu la qaybsanayay ubadkii sannadkan ka aflaxay dugsiyada Noradin.
Xaaji Mahad Ibraahim Maxamed oo ah maamulaha guud ee dugsiyada Noradin ayaa bilowgiiba ka warbixiyay dugsiga Noradin oo uu sheegay inuu dugsiga Noradin safar dheer iyo marxalado kala duwan soo maray, waxana uu tilmaamay in sannadkan soo socda uu dugsigu u dabbaaldegi doono rubuc qarni ama 25 sannadood oo uu jiray.
Xaaji Mahad Ibraahin ayaa dhanka kale waxa uu ku dheeraaday in tartanka iyo abaalmarinta ciddii dedaashaa ay tahay dhaqan uu Islaamku jideeyay, sidoo kalana baahi loo qabo in mar kasta tartanku uu furnaado, xor iyo xalaal na uu ahaado. Xaaji Mahad ayaa waxa uu sheegay in sannadkan ay dugsiyada sare ee Noradin ay ka baxayaan dufacddii 13aad oo ka kooban 829 arday, waxana uu sheegay in xafladdan loo qabtay abaalmarinta 10 kii arday ee igu sarreeyay dugsiga, tobankaas arday oo 6 ka mid ahi ay yihiin hablo, halka 4 arday ee kalana ay yihiin innamo.
Labada arday ee guud ahaan ugu sarreeyay ardaydii sannadka ka baxday dugsiyada sare ee Noradin ayaa waxa uu sheegay Xaaji Mahad Ibraahim in la siinayo hadyado aad u qaali ah. “Inanta ugu sarraysay dugsiyada Noradin ayaa waxa la guddoonsiin doonaa gaadhi Ferozza ah oo model kii ugu danbeeyey ah iyo sad dahab ah, ardayga kusoo xiga oo wiil ah ayaa isna waxa la siin doonaa gaadhi Ferozza ah iyo Laptop. Inta kale ee Top ten ka ka hadhayna waxa la siin doonaa hadyado aad u qaali ah”.

Ugu danbayn Xaaji Mahad ayaa waxa uu sheegay in dedaalka ugu badan ee dugsiyada Noradin ay hayaan uu yahay in la ilaaliyo tayada, sidoo kalana waxa uu sheegay in tayada ardayda kasoo baxda dugsiyada Noradin ay markhaati ka yihiin Jaamacadaha dalka oo sannad kasta qaata ardayda ugu badan, sidoo kalana Jaamacadaha dunida ayaa dhammaan arday Noradin ee tagtaa ay kasoo hooyaan magac iyo maamuus la wada ogyahay.

Intaas kaddib mid ka mid waalidka ardayda dugsiga oo ku hadlayay magaca waalidka ayaa ku dheeraaday sida ay ugu faraxsan yihiin waxqabadka ay hayaan maamulka iyo macallimiinta Noradin. Sh. Cabdirashiid Siyaad Aw Cabdi oo ahaa waalidka ardayda la hadlay ayaa ka sheekeeyay taariikho uu usoo joogay oo rafaad badan ay waxbarashada kasoo mareen iyo sida ubadka maanta joogaa ay u haystaan fursado aan waalidkood helin, waxana uu ubadka kula taliyay in fursadahaas ka faa’ideeyaan.

Kormeeraha guud ee dugsiyada Noradin Prof. Cumar Faarax oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in aad loo hadal hayo sababta dugsiyada Noradin ay markasta u noqdaan foolaadka dugsiyada, waxana uu yidhi: “Sirta ayaan maanta idiin sheegayaa, dugsiyada dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahayba si ay nooga bartaan oo ay uga faa’idaan. Sirta tayadu waa maamul wanaagsan, Macallin wanaagsan, dugsi qalabkiisu u dhan yahay, intaas haddii la helo arday dhacayaa ma jiro”
Sh. Dr. Xuseen Faraa’id oo isna ardayda la hadlay ayaa Hambalyeeyey ardayda sannadkan dhammaysatay dugsiga sare, waxana uu si gaar ah ugula dardaarmay hablaha in ay ilaaliyaan aqoonta, xishoodka iyo xijaabka, waxana uu ku dheeraaday ahmiyadda aqoontu u leedahay bulshada, hadalladiisiina waxa ka mid ahaa “Aqoontaadu waa in ay ka turjunto Hankaaga dadnimo, Haybtaada Islaam iyo Hiddahaaga dhaqan”.

Xirsi X. Cali Xasan, hoggaamiyaha xisbiga Waddani oo ka mid ahaa waalidkii maanta farxadda la qaybsanayay ayaa isna madasha ka hambalyeeyey ubadkii sannadkan ka baxay dugsiga, sidoo kale waxa uu ammaan iyo bogaadin usoo jeediyay maamulka iyo hawl-wadeennada dugsiga oo uu sheegay in ay hawl baaxad wayn u hayaan dalka. Dhanka kale waxa uu ka hadlay tartanka ka dhaxeeya dugsiyada gaar ka loo leeyahay iyo kuwa dawladdu maamusho waxana uu yidhi: “Dugsiyada Xukuumaddu haddii ay gaabiyaan, kuwii gaarka loo lahaana ay dheereeyaan maaha in la maago oo la cambaareeyo ee waa in la garab galo oo guusha lagu taageero, se aadamaha ayaa dhan u leh inuu guuldarrada cid kale dhakada u saaro”. sidoo kale waxa uu tibaaxay in dayacu waxbarashada uun aanu ahayn ee guud ahaan wixii danta guud ahaa oo dhan ay dayacayan yihiin.
Ugu danbayn waxa uu kula taliyay dugsiyada gaarka loo leeyahay in Aqoonta la tayeeyo, danyartana loo naxo oo aqoontu aanay noqon in dadka wax haysta oo keli ahi helaan.

Abwaan Laabsaalax oo isna madashaas kala hadlay ardayda ayaa xoogga saaray waajibka iyo xuquuqda uu waalidku leeyahay, dedaalka iyo waxqabadka muuqdana waxa uu sheegay in waalid uu sabab u ahaa. “Waalidku waa tiirka koowaad, haddii aanu waalid dhexda idiinna xidhanna maanta halkan maydaan joogteen” ayuu yidhi Abwaanku.
Sidoo kale waxa uu dugsiyada Noradin ku ammaanay in ay dadka danyarta ah iyo agoomaha u naxariistaan oo boqollaal aan waxba haysan ay lacag la’aan ku dhigtaan, waxana uu yidhi “19 arday oo agoon iyo danyar ah ayaan u keenay dugsiga anigoo gacanta haya, dhammaantoodna way iga aqbaleen oo maanta way dhigtaan”.
Prof. Bulxan oo isaguna ereyadii madasha laga yidhi soo xidhay ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay waxbarashada habluhu, waxana uu sheegay in sannadahan danbe ay aad isu soo tarayso waxbarashada habluhu, Jaamacadda uu masuulka ka yahayna waxa uu sheegay in 50% ay yihiin hablo.

Sawda Ibraahim Axmed oo ahayd Ardayaddii ugu sarraysay dugsiyada Noradin ayaa ugu danbayn madasha kala hadashay ardayda, waxana ay sheegtay in aad ugu faraxsan tahay midhaha dedaalkii ay gelisay waxbarashada, sidoo kalana waxa ay sheegtay in ay safar dheer usoo gashay waxbarashada oo ay uga timi gobolka sanaag si ay Noradin wax uga barato, maantana Ilaahay galladdii ay joogto meel ay safar kale oo dheer kasii anbaqaadi karto.

Shirwac Yuusuf oo isna ahaa ardayda kaalinta 2aad galay ayaa isna ereyo dhiirrigelin iyo waano isugu jira la wadaagay ardaydii saaka soo buux dhafiyay barxadda wayn ee dugsiga hablaha ee Noradin.
Intaas markii ay soo dhammaatayna waxa hadyadihii oo isugu jiray gaadiid, Computers, Dahab iyo hadyado kale oo qaali ah la guddoonsiiyay tobankii arday ee ugu sarreeyay dugsiyada sare ee Noradin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here