Wasaarada Horumarinta Biyaha Somaliland Oo Kulan La Qaadatey Hay’addaha Kala Shaqeeya Horumarinta Biyaha

0
333

Wasaarada Horumarinta Biyaha Somaliland Oo Kulan La Qaadatey Hay’addaha Kala Shaqeeya Horumarinta Biyaha [Faah Faahin]

 

Wasiirka Wasaarada Horumarinta Biyaha Somaliland Mr Sulayman Yuusuf Koore Iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradaasi Mr Maxamed Yuusuf Oo Ay Weheliyaan Madax Waaxeedyada Wasaaradaasi Ayaa Maanta Kulan Muhiima La Qaatey Hay’addaha Kala Shaqeeya Horumarinta Biyaha Kulanka Oo Ka Dhacay Wasaarada Horumarinta Biyaha Somaliland Ayaa Lagu Lafo Gurey Sidii Tiro Koob Loogu Samayn Lahaa Ilo Biyoodyada Wadanka Iyo Weliba Sidii Qorsheyaal Hor Leh Loogu Samayn Lahaa Biyaha Hoose Iyo Kuwa Sare Ee Dalkani Somaliland  .

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradaasi Maxamed Yuusuf Oo Madashaasi Hadal Kooban Ka Jeediyey Ayaa Carabaabay In Wasaarada Horumarinta Biyaha Somaliland Ay Dhowaan Samayn Doonto Daraasad Salka Ku Haysa Xadiyada Biyaha Ee Gobol Iyo Degmo Kasta Oo Somaliland Ah Waxana Agaasimaha Oo Hadalkisa Sii Wata Uu Intaasi Raaciyey In Wasaaradu Daraasadaasi Ku Ogaan Doonto Sida Degaanadu Ukala Biyo Badan Yihiin Si  Buu Yidhi Qorsheyaal Cad Loogu Sameeyo Degaanada Biyuhu Ku Yar Yihiin .

Maxamed Yuusuf Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Horumarinta Biyaha Somaliland Oo Mudo Kooban Xilka Hayey Ayaa Durba Bedka Soo Dhigey N  Qorshayaal Lagu Horumarinayo Biyaha Somaliland .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here