“ Ilaa Iyo Wasiir Nimo Intii Lagu Wareegteeyey , Waagi Beryaba Waa Socdoo Weelyar Muu Toline “Gabay Cali Duulduul

0
402

 “ Ilaa Iyo Wasiir Nimo Intii Lagu Wareegteeyey , Waagi Beryaba Waa Socdoo Weelyar Muu Toline “Gabay Cali Duulduul

 

 

 

Gabay Ka Hadlaaya xaalada Biyo La’aaneed Ee Dalka gaar ahaana Magaalada Hargaysa Ayaa Loo Tiriyay Wasiirka Wasaarada Horumarinta Biyaha Saleban Cali Koore.

Gabayga oo uu Tiriyay Cali ismaaciil Carab Oo ku Magac Dheer DUULDUUL ayaa Sifaynaya Isla Waynida Wasiir Koore,Shirarka jaraaid ee Degdega Ah,Balanqaadyada Beenta Ah iyo Dhagax Dhiga mashaariicda maalin kasta Taagan ee uu Wasiirku lasoo gole Joogsado.

Cabirka iyo Xaqiijinta Gabaygani Waxay u taala bulshada Somaliland Kuwaasi oo Faalayn Doona Waxaana uu ku Bilaabmayaa Gabaygaasi Sidan.

 

 

Ilaa Iyo Wasiir Nimo Intii Lagu Wareegteeyey

Ilaa Waaganan Joogno Iyo Wiigan Iyo Maanta

Waagi Beryaba Waa Socdoo Weelyar Muu ToLine

Wakhtigii Kastana Waa Waxaan Aar Kaa Weedho Uu Yidhiye

Niman Yahow Waxuu Qabanayee Weliba Baanayoo

Ee Uu Weli La Weysaaqayaan Idinba Waydiine

Waxuu Keenay Yaa Garanayoo Werinayoo Sheegay

Wadankii Biyii Waa La Yahay Waana Kala Waabe

Waraab Laguma Oga Badiba Oo La Isku Wiir Taabye

Wadaanbay Hargeysadi La Dahay Waafiga Ahayde

Hadii Ay Wakaalado Lahayd Waa Waxaan Jirine

Waa Tuu Lahaa Webiyadaan Wiigan Soo Rogiye

Wadaamaha Wax Culus Keena iyo Waafi Baa Imane

Hadana Welii Wax Muuqdiyo Ma Arag Waxan Ku Reeyaaye

Bulshadiinan Warab Ka Ah Waxaan Anigu Weydiyey

Wacaasheeda Yaa Garan Runtaa Laysu Weriyaaye

Wacad Alehe Waan Yaabanahay Weerarkuu Galo e

War Jaraaid Kama Waabto Oo Misana Waa Budbudiyaaye

Waagii Beryaaba Waa Sidii Waqalka Roobaade

Anaa Wabax Taraar Idinku Fulin Waa Ku Dheeryahaye

Weraartii Qaloocdaba Tiibaax Waaddiyaan Dhigiye

Walaacna Laguma Oga Oo Haduu Waaran Sii Qoraye

Wadaad Iyo Haduu Yaaban Yahay Weli Ilaahaye

Waayeel Iyo Caruur Waatano Wuu Isla Sugayaaye

Bulshadiinaan Warabka Ah Waxaan Anigu Weydiiyey

Wacaashisa Yaa Sheegi Karaa Waa La Yaab Culuse

 

 

Lasoco Wasiirka Kan Ku Xiga Oo Ah Cabdilaahi Abokor Cismaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here