Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Oo Markale Weerar Ku Soo Ganay Somaliland

0
382

Moqdisho (Somalilandrise):- Dawladda Soomaaliya ayaa mar kale ka hadashay tallaabadii ay xidhiidhka ugu jartay dalka Guinea ee Galbeedka Afrika taas oo ay tilmaantay in ay roog cas u dhigeen hoggaamiye Soomaaliya kala goynaya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa mar kale erayo adag u isticmaalay dawlada somaliland oo uu weerar afka ku soo qaaday mar kale.

Wasiirka oo la waydiiyay sababta ay Gini xidhiidhka ugu jareen ayaa ku jawaabay sidan:-

“Gini waxay martiqaad sida madaxda ah u samaysay hoggaamiye ku andacoonaya in uu Soomaaliya ka goosanayo oo dalka kala qaybinayo mana aha mid waafaqsan xidhiidhka caalamiga ah iyo qaraarrada ururada anaga iyo Gini ba aanu ka midka nahay sida, UN-ka, ururka Iskaashiga Islaamka, ururka Afrikaanka, markaa waxaan u malaynaya Gini waxay u nuglaatay Pressure(cadaadis) dal kale uga yimid iyada oo og in aanay arrintani haboonayn ayay xadgudub sameeyeen, marka anaguna waxaanu dooranay in aanu u sheegno oo nidhaahno ‘idinkama yeelayno in aad qarannimadayada meel kaga dhacdaan oo qawaaniintii la isku yaqaanay ku xadgudubtaan oo horseedaan khatar midnimada umaddayada soo wajahda iyo waliba in uu arrinkoodu dib u dhigi karo Soomaalidii oo doonaysa in ay wada hadasho.

Markaa haddii koox kasta oo tidhaa ‘waanu goosanayna’ uu dal u soo dhaweeyo sidii ay dawlad yihiin waxay dib u dhigaysa in dadka Soomaalida ah wada hadlaan, marka qofku ma helayo wax ku dhiiri gelinaya in uu Soomaaliya la hadlo haddii ay dawladuhu isaga dhigayaan red carpet(roogga cas), marka digniin aanu u diraynay bay ahayd dalkaas iyo dalalka kale ee laga yaabo in arrintaas gacan ku leeyihiin,” ayuu yidhi wasiir Cawad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here