Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Oo Kormeeray Taliska Qaybta 31aad Ee Ciidanka Qaranka + [ Sawiro ]

0
599

Hargesa (Somalilandrise):- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga JSL Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye(Fariid) oo uu wehelinayo

Abaanduulaha Koowaad ee ciidanka qaranka JSL Sareeyo Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale , taliyaha qaybta 31aad Gaashaanle Sare Ismaaciil Faarax Cawaale Doolaal iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland ayaa kormeer ku tagay taliska qaybta 31aad ee ciidanka Qaranka kaasi oo ugu kuur galaya hanaanka iyo hab-sami u socodka hanaanka ciidanka.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Taliyaha taliska qaybta 31aad ee ciidanka qaranka JSL G/Sare Ismaaciil Faarax Cawaale(Doolaal), waxaanu salaam sharaf siiyey waftiga uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga JSL Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye(Fariid) kaasi oo uga war bixiyey xaalada guud ee taliska qaybta 31aad iyo waliba qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay waxa kale oo uu halkaasi ka sheegay in ciidanka qaranka JSL ay yihiin kuwo markasta u taagan sugida amniga Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here