Maayar Cidin oo Ka Fara Maroojiya Beesha bariga Saaxil Dhulka Halbowlaha Ah kana dhista fooqaq inta kalena ku Wareejiya beeshooda

0
562

Berbera (Somalilandrise) Maayarka Degmada berbera Cabdishakuu r Maxamed Cidin Ayaa Tan iyo intii uu Xilka Qabtay Wuxuu Qorshaynayay Qaarkoodna Kuba Kacay Sidii uu Dhulka Halbowlaha ah ee Beesha bariga Saaxil ku leedahay Gudaha magaaladaasi Uga Fara Maroojin Lahaa isla markaana Ugu Wareejin Lahaa Qoyskiisa.

Cidin Abujahal Ayaa Sharciga Gacanta ku haysta Waxaana Guri kasta oo uu Qof reerkaas kazoo jeedaa Leeyahay uu u Soo Samaystay Sharciyo Gacan ku rimis ah oo Nooceedu yahay ku Qabso Ku Qadi mayside taasi oo Ka Dhigaysa Magaalo Xeebeeda Berbera Xarun Jabhadi Ka taliso oo Aan la Wada lahayn isla marakana Dad Umada Isku Soo jiidi Karta aan Helin inay Hogaan u Noqoto.

Dhulka Danta guud,Dhulka Masaakiintu Leedahay iyo Kan Dadka Deegaanka ee Aan Ahayn beeshiisu Waxay Noqdeen kuwo uu ku Dhaco Haadka ina Cidin oo Dul Heehaaba Halkii Dagan iyo Welibana Dhismayaasha halbowlaha ah ee Uu Ku Arko Inay Haystaan Dad uu Awood iskacaabineed ka Waayo halka La Xaqiijiyay in dad Ilaa iminka jeelasha ugu Jiraan Cidin Abuujahal.

Ilaa Iminka Lama garanayo Cadaawada Iyo Colaada u dhaxaysa Cidin Iyo Beesha Bariga Berbera Kaasi oo Ah Isaga Dhinaciisa Sida ay noo Sheegeen Dad Deegaanka ah oo aanu Kula Kulanay Magaalada Berbera iyadoo Maayarka degmada Burco Ku tilmaamay Cidin iyo Qoyska uu Kasoo Jeedaba Qaar Xaga Dhimirka ah .

“ Waxaan Ku Lahaa Dhul Meel Halbowle ah Waxaana aan u haystay Sharci Dabadeed maayarka Berbera Ayaa Amray in La joojiyo Dhismaha Dhulkaas Markii La iskaaya Horfadhiisiyay Ninkii Dhamaa ee aan Masuulka u haystay Wuxuu igu Yidhi Qoyska aad kazoo Jeedaa Deegaan Uma aha Berbera ee Dhulkan aad iska dhisanayso Rag Magaalada u dhashay ayaa sharci u Haysta Kuwaas ayaana Iska Leh ,markaa waan Yaabay Aaway Masuuliyadii Miyaan Ilaahay Ka Danbayn Qabiilkiisuse Miyay Aakhiro u shafeeco Qaadayaan ,Muu Cadaalad Umada U sameeyo Intuu Xafiiskaa Joogo “ ayuu Yidhi Mid ah Dadka Deegaanka oo uu Dhul Ka fara Maroojiyay Cabdishakuur Cidin Abujahal.

Dhinaca Kale waxaanu Arintan Wax ka Waydiinay Cabdirisaaq Faarax oo Berbera Ku Dhashay isla Markaana Wax Kusoo bartay Ilaa Dugsi Ilaa Dugsi Sare Ayaa Xaqiijiyay In Dhul Halbowle ah oo ay Lahaayeen uu ka qaaday Cabdishakuur Cidin Kadib Markii Ay Diideen inay ka Iibiyaan Qolo La Yidhaahdo Fiqi Wacays oo Dhowaan ay gaashaanbuur Noqdeen Beeshiisa waxaana uu yidhi isagoo Arintaasi Ka Hadlaaya Sidan .

“ Waxaanu Aragnay Dhulkii Aan Iibka Ku Diidnay Oo Uu Dhisanayo Kaanu U Diidnay Kadib Waxanu Waydiinay Waar Maxaa Dhacay Miyaad Na Boobaysan Waxay Noogu Jawaabeen Mayee Sharci Baanu U Helay Oo Maayirkaa Noo Fasaxay Markaanu Utagnay Maayir Cidin Wuxuu Noogu Jawaabay Waad La Habsaanteen Inaad Sharci Usamaysaan Iminkana Dhulkale Oo Kan Ka Wanaagsan Oo Mudo Sadex Cisho Gudahooda Ayaan Idin Siinayaa Sharcigayaga Mid Ka Horeeyana Ma Aqoonsani “ Ayuu Yidhi Cabdirisaaq Faarax Axmed oo Ku Nool Magaalada Berbera.

Hadaba Waxay Shabakada Wararka Saylactoday Idiin soo Bandhigi doonaa Maalmaha Soo Socda Qabyaalada uu ku Kacay Cidin Abujahal,Boobka Dhulka Danyarta Berbera iyo Dhulka Halbowlaha ah ee ay leeyihiin Beesha Bariga Magaalada Berbera oo tan iyo xiliguu Xilka qabtay uu Ka Dhaansaday isagoon Cidna Ka Baqdin Qabin Waxaana la wada ogyahay inuu ahaa Ninkii Rasaasta la dhacay wershada Laydhka ee Berbera Xiligii Dawladii Riyaale kadibna uu Jabhada Samaystay Ee Duurka Galay taasoo Ilaa hada jabhadiisu ka shaqayso Deegaanka Dhibaatooyina Ka gaysatay Berbera Gudaheeda .

SOO RAAC SAYLACTODAY.COM

Berbera Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here