Somaliland maxay ka tidhi go.aanka somalia xidhiidhka ugu jartay waddanka Gini

0
529

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa ka hadlay cilaaqaadkii dawladda Soomaaliya u jartay Gini Conakry, waxaanu sheegay in aanay Ginni u baahnayn Soomaaliya ee Soomaaliya u baahan tahay Giini.

Sidoo kale, wasiirku waxa uu sheegay in saddexdii sanno ee u dambeeyey dawladda Soomaaliya ku dhaqaaqaysay arrimo sii kala fogaynaya Somaliland iyo Soomaaliya, taas oo colaad iyo xumaan mooyee wax kale usoo kordhinayn labadda shacab.

“Cilaaqad weyn baa inoo soo kordhay oo labadda madaxweyne way is arkeen, waxaaanu aaminsanahay in wax badan usoo kordhinayo dhinac walba oo aanu ahayn mid laga naxo ama la dhibsado, waxa na soo gaadhaya in maamulka Xamar ka taliya uu arintaasi ka xumaaday sidaas darteed uu gooyey cilaaqaadkii uu la lahaa dalkaasi Ginni, maamulka Xamar ka dhisani isaga Ginni u baahan ee Giini uma baahna, waxna kuma yeeli karo xidhiidhka wanaagsan ee u bilowday Ginni iyo Somaliland, Xamar iyada la ilaaliay isaga wax la tara isaga nabadgalyadiisa la ilaaliya isaga guryaha lagu ilaaliya, anaga wax uu na yeelayaa ma jiro ee isaga wax iska xumaynaya, waxa kaliya ee ay na tusaysa cadaawada iyo ciilka iyo wax kala fogaansho sii dhaliya mooyee in aanu maamulkaasi wax kale ku kicin.”ayuu yidhi wasiir Farotoon.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “maamulkaasi dhawrkii sanno ee u dambeeyey wuxuu samaynayey wixii aanu ku sii kala fogeyn lahayn haday tahay mucaawimooyinka oo la nagala dagaalamo, dadkeenu oo uu isku dayo inuu godoomiyo, nabadii lagu wada noolaan lahaa oo uu ku bedeshay colaad wax wanaag ah oo la iskugu soo dhowaado maamulkaasi lagama arag.”

Wasiir Farotoon ayaa sheegay inuu sii xoogaysanayo xidhiidhka ay dalal badan oo caalamka ah la yeelanayaan, waxaanu xusay in dalal badan oo afrika, Aasiya iyo Yurub hore uga lahaayeen xidhiidh saaxiibinimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here