Madaxweynaha Somalia Mohamed Abdullahi Farmaajo Oo xadhiga ka jaray waddo laami ah oo ku taalla Muqdisho taasoo loogu magac daray Abwaan Cabdullaahi Suldaan Tima-cadde.

0
672

Madaxweynaha Somalia Mohamed Abdullahi Farmaajo Oo xadhiga ka jaray waddo laami ah oo ku taalla Muqdisho taasoo loogu magac daray Abwaan Cabdullaahi Suldaan Tima-cadde.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarigga ka jaray waddo cusub oo laami ah oo isku xirta degmooyinka Shingaani iyo Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir, taas oo loogu magac daray Abwaan Cabdullaahi Suldaan Timacadde.

 

Madaxweyanaha oo dul istaagay doorkii taariikhiga ahaa ee uu Abwaan Timacadde ku lahaa halgankii xornimo doonka iyo waqtigii dowlad dhiska Soomaaliya ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in aan xasuusanno halyeeyadii u soo halgamay xornimada dalkeenna iyo midnimada dadkeenna.

“Macno weyn ayay leedahay in aan xusno maanta halyeeygaas, annaga oo ugu magac darnay jidkan halbowlaha u ah Caasimadda. Runtii suugaanta uu nooga tagay Abwaan Timacadde waxa ay saldhig u ahayd dareenka waddaniyadeed ee dadkeenna.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here