Guddiga ku meelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland oo is casilay

0
755
Guddiga ku meel-gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa dhammaan xubnihii ka tirsanaa waxaa ay  ku dhawaaqeen inay is casileen,kaddib shir jaraa’id oo khamiista maanta ah ay ku qabteen magaalada Garoowe.

Guddiga ayaa ku sheegay ujeeddooyinka ugu weyn ee ay isku casileen inay ka mid tahay inan la soo buuxin xubno ka tirsan guddiga oo horey isku casilay, taasina ay wax u dhintay shaqada guddiga.

Waxaa sidoo kale ay ku xaqiijiyeen shirkooda jaraa’id in madaxweynaha Puntland iyo guddoonka Baarlamaanka ay ka ogolaadeen, arrintaa oo ay uga mahadceliyeen.
Xubnaha guddiga oo ka kooban sagaal xubnood ayaa shan ka mid ah waxaa soo magacaabay madaxweynihii hore ee Puntland, halka ay afarta kale soo xuleen Baarlamaanka.
Puntland ayaa ku guuldarreysatay in muddo labaatan sanno ah oo ay dhisantahay dadku ay wax soo doortaan, balse madaxweynaha hadda xilka haya Siciid Deni ayaa ku cel celiyay inay ka go’antahay sidii ay Puntland uga dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here