“ Biciide Iyo Buurmadoow Baqdin Baa Ka Yeedhsiinaysa Aan La Shirno habaryoonis “Cabdirisaaq Faarax Ilkacase

0
589

 

Berbera(Somalilandrise) Cabdirisaaq Faarax Ilkacase Oo Ka Tirsan Aqoonyahanka Iyo Dhalinyarada kazoo Jeeda Beesha Bariga Burco ayaa Sheegay In Aan Waqtigan loo baahnayn Shirweyne ay Wada yeeshaan Habarjeclo iyo habaryoonis Kaasi oo uu dhowaan ku Dhawaaqay inuu dhacaayo Boqor Cismaan Aw Maxamuud oo ku Magac Dheer BUURMADOW.

Cabdirisaaq Faarax Ayaa Tilmaamay in ay Lagama maarmaan Tahay Ka Hor Shirka Buurmadoow Ku Baaqay Xalinta Iyo Nabadaynta Beelaha Ay Wada Degaan ee Dagaalku ka dhex Aloosan Yahay taasoo Suurta Gelinaysa In Shirkan La iskugu Yimaado

Waxaa uu Intaas ku daray in Shirkan Buurmadoow Ku Baaqay Yahay Baqdin Beeshiisu Ay Ka Cabsanayso Beesha la Degta kadib Markii ay Nabad ku seexan Wayday Deegaankii Ay Xaqa u lahaayeen ee ilaahay Ku Abuuray Waana Kar Iska Xoor Waxaana uu Intaas raaciyay In Boqorka ay ka Qaldantay Baaqa uu ku Baaqay Shirkaas taasoo ahayd mid aan isaga u oolin Balse ahayd Mid u taalay habaryoonis.

Waxaa uu yidhi Cabdirisaaq Faarax Axmed oo Arimahaasi ka Hadlaaya.

“ Shirkan Baaqiisu m ahayn Mid u yaala Buurmadoow ee Anigu Waxaan is leeyahay Deegaankiisii ayuu Nabad ku Seexan Waayay Waayo Shirkan iyo Qabanqaabadiisa Waxaa ay u taalay habaryoonis ee May ahayn mid u taalay Habarjeclo iyo Buurmadoow,Welibana shirkaasi wuxuu Ansaxayaa marka uu Muuse Biixi Dhamaysto Shantiisa Sanadood Iyo Weliba haduu sharaxan Yahay Markale,Waxaana aan Leeyahay Intaad Baqdinta Iska Daysaan Horta Soo nabadee Boqor Buurmadow deegaanka Dagaalku ka soconayo Markaas Wixii Kaleba ha la iskugu yimaadee“ Ayuu Yidhi cabdirisaaq Faarax Ilkacase oo La Hadlaayay Warbaahinta Saylactoday isagoo ku sugan magaalada berbera.

Dhowaan Ayay Ahayd Markii Boqor Buurmadoow Ku Dhawaaqay In Laba Beelood Oo Siyaasad ahaan u Kala Fogaaday Ay iskugu imaanayaan Shirweyne Nabadeed oo Ka dhici doona Dalka waxaana Arintaasi si adag Uga soo Horjeestay Beelaha Habaryoonis Qaarkood kuwaasi oo ku eedeeyey Boqor Buurmadoow inuu Horta Nabad ka dhaliyo deegaanka Ceelafweyn oo Ay Isku Hor fadhiyaan Sacad Yoonis Iyo Biciide.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here