Gudoomiyaha Dallada Dhalinyarada SONYO Ayaa Shacabka Somaliland Ku hanbalyeeyey Munaasibada 26ka Juun.

0
362

Hargaysa(Somalilandrise) Gudoomiyaha Dhalinyarada heer qaran ee Somaliland Sonyo Cabdicasiis siciid Saalax Ayaa hanbalyo u diray dhaamanba Shacabka Somaliland Meel kasta oo Ay joogaan Munaasibada Xuska Iyo Fasaxa Maalintii Somaliland Xoriyadeeda Gobonimo Ka Haleeshay Boqortooyadii Ingiriiska ee Ay Wada Joogeen .

Gudoomiyaha Ayaa Wuxuu Sidoo kale Alle Uga Baryay Halgamayaashii ku Shahiiday Xoriyada Isla Markaana Dhiigooda u shubay Sidii Shacabka Somaliland Xoriyad Aan dhamaad Lahayn ugu Naaloon Lahaayeen kuwaasi oo ay ka mid Ahaayeen, Alla Ha u naxariistee Sheekh bashiir Iyo Faarax oomaar.

Gudoomiyaha oo Shacabka ku Dhiirigeliyay Inay Adkaystaan nabadgelyada Iyo Xoriyada Ay markii Labaad Kala soo Laabteen Dawladii la isku odhan jiray Somaliweyn oo Ay Xiligii ay Xoriyada Taabteen Ula Hayaameen Muqdisho inay Sanadkan Sanadkiisa Ku gaadhaan,Nabadgelyo Taam Ah,Horumar iyo Aqoonsi Buuxa

Cabdicasiis Siciid Saalax Gudoomiyaha Dalada Dhalinyarada Heer Qaran ee SONYO Ayaa Hadalkiisa Ku bilaabay Sidan.

“ Waxaan Hanbalyo Balaadhan u Dirayaa Shacabkayga Somaliland,Qaranka Iyo Dhalinyarada Dalka Munaasibada Xuska Iyo Dabaaldega 26kii Juun oo ah Maalintii aynu Haleelnay Xoriyadii Aynu ka fara Maroojinay gumaystihii Ingiriiska,Waxaana aan Leeyahay isla markaana Ilaahay Uga Baryayaa Inuu Naxariistiisa ugu deeqo ragii Naftooda u Bixiyay inay Xoriyad Waarta ku noolaadaan Dadkeenu,Waxaana aan ilaahay ka Baryayaa inuu Sanadkan Sanadkiisa inagu gaadhsiiyo Nabadqab,Barwaaqo iyo Horumar Dhinac kasta ah oo aynu Ku gaadhno Xoriyada Aynu haysano “ Ayuu yidhi Gudoomiye cabdicasiis Siciid Saalax

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here