Maayirka magaalada burco oo la hadlay warbaahinta burco ayaa u jawaabay maayir magaalada Barbara

0
62

Maayirka magaalada burco Maayir Mohamed Yuusuf Abdirahman oo la hadlay warbaahinta burco ayaa u jawaabay maayir magaalada Barbarac/shakuur maxamuud cidin.

Maayir muraad waxa uu maayir cidin ku tilmaamay qof waalan,jaahil ah oo aan faham fiican ka haysan waxa uu ka hadlayo oo uu sheegay inuu yahay qodobo sharci ,islamarkaana ay horgeeyeen golaha wakiilada somaliland ayna aqbalayaan wixii kasoo baxa.

Maayir muraad ayaa sidoo kale sheegay in maayir cidin uu ku faanayo maamulka magaalo cidlo ah oo ah 1.5km habeenkiina u hoydaan 4500 oo qof ,isaguna uu maamulo magaalo ay ku noolyihiin 500,000 oo qof ,waxana uu isweydiiyey sida uu yeeli lahaa hadii uu maamulo magaalo dadkeedu ka badan yahay berbera.

Maayir muraad oo ay ka muuqato cadho xooggan ayaa mar kale ku faanay in maayirka berbera uu ka aqoon badan yahay ,ka da’weyn yahay kana waayo aragsan yahay ,waxana uu ku eedeeyey inuu yahay qabyaaladiiste dhacay dhamaan hantidii degmada berbera.

Maalmihii u dambeeyey labada maayir ee berbera iyo burco ayaa warbaahinta isu marinayey hadalo kul kulul ,balse hadalka maayir muraad ee hada ayaa daba socday kadib markii maayir cidin uu maalintii shalay eedo culus u jeediyey maayir muraad.

Leave a Reply