Waa Kuma Boqor Faysal Caaqil Cismaan Faarax?

0
405

Hargaysa(Somalilandrise) Boqor Faysal Caaqil Cismaan Caaqil Faarax Oo Ka Mid ah Waqti Xaadirkan Madaxda Dhaqanka Ugu Miisaanka Culus ee Somaliland Kana Soo Jeeda Gobolka Sanaag Wuxuu Ku Dhashay degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil Sanadkii 1967

Boqor Faysal Wuxuu Dugsigiisa Hoose Dhexe Iyo sareba ku Dhamaystay Kana Bilaabay Deegaanka balanbale oo Hoos Tagta gobolka Mudug ee Xiligii Dawladii la Isku Odhan Jiray Soomaaliweyn Intii Aanay Somaliland Xoriyadeeda Dib Ugala soo Noqon Goboladii Koonfureed ee Lagu Hungoobay.

Boqor Faysal Cismaan Wuxuu Markii uu dhamaystay Waxbarashadiisa Dugsiga Sare Aqoon Jaamacadeed ugu Kicitimay Dalka Dibadiisa Isagoo Ka galay Dalka Yemen Jaamacada Caanka ah ee SANCA International University Oo uu Ka qaatay Shahaadada Digree ee Cilmiga Sayniska Iyo Xisaabta(Physiomaths)

Boqor faysal Wuxuu Sanadkii 1993 Ka Qaatay Jaamacad ku Taala Dalka Yemen Shahaadada Digriiga Cilmiga Shareecada Iyo qaanuunka Islaamka

 

Kadib Aasaaskii Jamhuuriyada Somaliland Wuxuu Ka Qayb Qaatay Shirarkii nbadaynta ee Somaliland gaar ahaana Walaalaynta Dadkii Deegaamada uu kazoo jeeday Ee Gobolka Sanaag oo uu ku soo Laabtay Markii uu Waxbarashadiisa dibadeed Soo Dhamaystay.

Boqor Faysal Cismaan Isagoo ka duulaya burburkii Dalka ay u gaysatay Dawladii kacaanka ee uu hogaaminayay Siyaad barre Kaasi oo Lahaa Dhinacyo kasta Sida waxbarashada Oo Dhamaanba Xidhantay Wuxuu Goaansaday inuu Bulshadiisa Halganka dheer Soo gashay Uga faaiideeyo Wixii Alle baray Oo Ah Aqoonta Waxbarasho Wuxuuna hirgeliyay goobo Waxbarasho Oo tayo Sare Isla markaana ay ka Aflaxeen Inta badan Haldoorka iyo Hogaanka Somaliland ee Sodonkii Sano ee u Danbeeyey

Boqor faysal Waxaa uu Ka Hirgeliyay Magaalada burco Ee xarunta Gobolka Togdheer Dugsigii Iyo Maxadkii ugu horeeyey Ee Laga baahiyo Barnaamijkii La baxay Maqal iyo Muuqaal Kaasi oo Ahaa Maxadkii ALFURQAAN Waxaana ka Baxay Arday tira badan.

Boqor Faysal Cismaan Waa Xaafidul quraan Kajawaaba afarta Mad-habood Waxaana Uu Bartay Islaamka Iyo Diinteena suuban Tiiyoo ay Dheertahay Inuu yahay Salaad Sax Waxaana taasi Iyadoo Laga Duulaayo Ay Dadka Deegaankiisu u Igmadeen inay Caleema Saaraan si uu Hogaanka beesha U Qabto.

Boqor faysal Caaqil Cismaan Faarax waxaa Sanadkii 2004 Lagu caleemo Saaray Deegaano Hoos Yimaada Gobolka Sanaag waxaana Laga Bilaabo Waqtigaasi uu Guntiga u Xidhay Isku Soo Dhoweynta Beelaha Walaalaha Ah ee Somaliland meel ay Joogaanba.

Boqor faysal Wuxuu Ergo Nabadeed u tagay Deegaanka Seemaal oo uu Ka mid ahaa Ergooyinkii Dhexdhexaadinayay beelaha Walaalaha ah ee Ku Diriray Meel u dhaxaysa Gabiley Iyo Dilla

Boqor faysal Waa Samatalis somalilander ah Wuxuuna ku can yahay In Dadku Ay ka Amaan heleen Afkiisa Iyo Adinkiisa wuxuuna inta Badan Ku dhiiradaa Wixii Umada Somaliland Isku Soo Dhoweynaya isla Markaana Ay Somaliland Ku Horumari Karto

Boqor faysal Wuxuu Ka Mid yahay Musdanbeedka beelweynta Garxajis ee Lagu Doortay Shirkii gacanlibaax Ka dhacay Sanadkii Aynu soo Dhaafnay ee 2018

Boqor Faysal Oo Samaha ka Talinaaya wuxuu Ka Qayb galay Ergo nabadeed oo Beelo Walaalo Ah Ku Dhex Martay Deegaamada Caynaba,Ceeldhaab Iyo Oog kuwaasi Oo Uu guul kazoo Hooyay isla markaana Ilaahay Aqbalay Heshiiskii nabadeed ee Ay Dhex Dhigeen isagoo halkaas u tagay Tiraba 3 Jeer.

Wuxuu Boqorku Nabad raadin iyo Ergo Islaamnimo u tagay Deegaamada Ceelafweyn isagoo Markale Ergo Walaalnimo ugu kicitamay Gobolka Sanaag ee Somaliland.

 

Boqor faysal Wuxuu ka  mid ahaa Ergadii ka Qaybgashay Caleemasaarkii Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqorka Beelaha DAAROOD Sanadkii 8 Bishii Juun 2014 taasi oo ka Dhacday Degmada Qardho

 

Wuxuu Sidoo kale Boqorku ka qaybgalay Caleemasaarkii Garaadka Guud ee beelaha Dhulbahante oo ka dhacday Buuhoodle waxaana halkaasi kala qayb galay Boqol ergo habaryoonis ah Wuxuna Halkaasi ka jeediyay Khudbad ay Ka wada gabadeen ergadii beeshiisu

Boqorku Wuxuu Goobjoog Ka ahaa Caleemasaarkii Suldaan Wabar oo ka Dhacday Deegaanka Qolujeed ee Gobolka Awdal 4 Julaay Sanadkii 2011

Boqorku Dhinaca kale Wuxuu Caan Ku yahay Dhinaca Suugaanta Waa gabyaa Caan ku Ah Gole Ka Fuulka Ilaahay Hibo gaar ah u siiyay iyadoo Suugaantiisu ku Kaydsan tahay Warbaahinta Soomaalida

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here