Maayar Cabdiraxmaan (Soltelko) Oo Xadhiga Ka Jaray Biriish Cusub Oo Degmadda Maxamuud Haybe Dawladda Hoose Ka Hirgelisay + Weedhii Maayarka

0
400
Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelko) Oo Xadhiga Ka Jaray Biriish Cusub Oo Degmadda Maxamuud Haybe Dawladda Hoose Ka Hirgelisay + Weedhii Maayarka
Hargeysa(SomalilandRise.com) Maayarka Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa md Cabdiraxmaan Maxamuud Cayddiid (Soltelko) oo ay weheiyaan Maamulka Degmadda Maxamuud Haybe ee Koonfurta Hargeysa, ayaa Xadhiga ka jaray Biriish Muhiima oo Dawladda Hoose ka hirgelisay Degmadda Maxamuud Haybe, Biriishkaasi oo dadka ku dhaqan Xaafaddaasi muhiim uu u yahay hirgelintiisu.
Xaflad Balaadhan oo lagu qabtay Goobta Biriishkan oo Waxyar dhinaca Bari ka xiga Xarunta Degmadda Maxamuud Haybe ee Hargeysa, ayaa waxa xadhiga ka jaray kana soo qaybgalay Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa md Cabdiraxmaan Maxamuud Cayddiid (Soltelko), Xildhibaano golaha deegaanka ka tirsan, Maamulka iyo masuuliyiinta Degmadda Maxamuud Haybe iyo Xubno Waxgaradka, aqoonyahanka iyo Bulshadda Xaafaddaasi Biriishka loo dhisay ku ydhaqan.
Halkan Ka Daawo
https://www.youtube.com/watch?v=upk8Vse0YhI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here