Qadar Oo U Istaagtay Dhexdhexaadinta Mareykanka Iyo Iiraan

0
359

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Qadar ayaa ku baaqay dadaal albaabada loogu furayo wadahadalo u dhaxeeya dalalka Iiraan iyo Mareykanka.

Sheekh Maxammed binu Abdulraxmaan Al-Thani ayaa wariyaasha ugu sheegay magaalada London in Qadar iyo dalal kale ay labada dhinacba xirir la sameeyeen si xal loogu helo xiisadda sii sii xoogeysaneysa ee gobalka

Hadalkaan ayaa imaanaya iyada oo toddobaadkaan lagu wado in ay booqosho ku tagaan magaalada Tehraan Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Jarmalka Heiko Maas iyo raisul wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe iyaga oo isku dayeya xal u helidda xaaladda ka dhex aloosan labada dal.

Sheekh Maxammed ayaa sheegay in Qadar oo ay wehliyaan dalal kale ay isku dayayaan inay kala dhexgalaan si meesha looga saaro xiisadda labada dhinac.

Waxaa uu farta ku fiiqay in dhinac kasta uu leeyahay dagaal ma rabo, balse waxaa uu sheegay in loo baahanyahay dadaal dheeri oo albaabada loogu furayo wadahadal dhex mara labada dal.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in uu rabo in uu Iraan wada hadal la yeesho, balse Iiraan ayaa sheegtay in aysan taasi dhici karin iyada oo Mareykanku uu ka baxay heshiiskii hubka nuclear-ka sanadkii la soo dhaafay isla markaana uu sii wado cunnaqabteynta cuuryaamineysa howlaha Iiraan.

Mareykanka iyo xulufadiisa oo ay ka mid yihiin Sacuudiga iyo Israel, ayaa isku dayaya in ay Iraan saaraan cadaadis dhaqaale.

Sheek Maxammed ayaa sheegay in Qadar ay xushmeeynayso siyaasadda Mareykanka, balse waxuu sheegay in gobolku ay tahay in arrinta ay dhinaca kale ka eegaan,wuxuuna sheegay in qofkii Jecel iyo qofkiii aan jecleynba ay Iraan gobalka qayb ka tahay

Wadamada Carabta oo ay Qadar ka mid tahay ayaa dhawaan kulan ku yeeshay Magaalada barakeysan ee Makkah ee dalka Sacuudiga waxaana ay ka wada hadleen xiisadda gobalka .

Balse Sheekh Maxammed ayaa sheegay in shirka kaliya diiradda lagu saarayay cambaareynta Iraan badalkii laga hadli lahaa sidii loo wajihi lahaa dalka Iiraan..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here