Deg-deg:Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland oo Magcaabay 10 Xil oo Beeshiisa Kasoo wada Jeeda

0
1815

Hargaysa(Somalilandrise)Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka somaliland Dr Maxamed Xergeeye ayaa Magcaabay 10 xil o isugu jira masuuliyin sarsare iyo shaqaale caadi ah .

Masuuliyiinta u xilka u magaacabay ee tobanka ah ayaa 7 ka mid ah waxay ka so jeedaan Qoyska Uu ka dhashay ee Sacad Muuse.

Waxaana ka mid ah xubnaha uu xilalka muhiimka ah u Magcaabay Xafiiska PPP (Puplic private Partenarship) waxaa uu u Magcaabay Foosiya Maxamed Xuseen Cige.

Agaasimaha Cusbitaalka Kalabaydh oo uu hore u haystay Masuul Kasoo jeeda Boorama ayuu ku bedelay xubin ay isku beel yihiin kaasi oo lagu Magcaabo Mubaarik Axmed Ibraahin.

Axmed muuse ibraahin wuxuu u magcaabay Medical Protection Office Coordinator waxaana uu kasoo jeedaa Qoyskiisa.

Rooda axmed Ibraahin oo loo Magcaabay xarunta Cusbitaalka ee degmada Xariirad waxaa hore u Haystay Cabdiraxiin Yuusuf aadan oo kasoo Jeeday Beesha Bariga Burco waxaana uu Dr xergeeye ku bedelay Xubin sacad Muuse ah.

Rooda axmed ibraahin waxaa loo raaciyay xilkan looga magcaabay degmada Xariirad Madaxa Hooyada iyo Dhalaanka Taasina waxaa ay meesha Ka saaraysaa in dadka deegaanka u dhashay Xilkaasi loo magcaabo iyadoo aanu ilaa hada wasiirka Wasaarada Caafimaadka oo kasoo jeeda Gobolka Awdal waxba kala socon kana ogayn Xilalkan uu magcaabay.

Agaasime Xergeeye waxaa uu magcaabay Madaxa Xakamaynta Cudurka Booliyada loo yaqaano kaasi oo lagu magcaabo Xuseen Maxamed Cabdi

Madaxa GPLGga Wasaarada Caafimaadka somaliland ayuu Dr Xergeeye oo agaasimaha Guud ahi u Magcaabay Agaasime Khadar oo ay xidid yihiin

Agaasimaha Maamulka iyo lacagta ee Cusbitaalka Guud magaalada Hargaysa Xuseen axmed Xaashi oo uu dhalay Gudoomiyihii hore ee ururka Mihnadlayaasha Caafimaadka somaliland Axmed Xaashi Oday.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here