Dal Dhaqaale Badan Haysta Balse Xildhibaannada Mushaar Yar Siiya

0
473

Shaqada siyaasadda ayaa ah mid faa’idooyin badan leh marka la eego dhanka dhaqaalaha.

Dalkan oo ka mid ah dalalka la isku yiraahdo Scandinavian-ka ayaa caan ku ah dhaqaale tashiilka iyo in qofka siyaasadda galaa aanu qaadan dhaqaale buuran.

Marka laga yimaado gunnooyinka ay qaataan, xildhibaannada dalka Sweden ayaa waxaa xakameeya xeerar adag oo ku aaddan in aanay sidii ay doonaan u isticmaalin lacagaha canshuur bixyeyaasha.

“Muwaadiniinta Caadiga ah”

“Waxaan nahay muwaadiniin caadi ah,” ayuu BBC-da u sheegay Per-Arne Hakansson, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Sweden.

“Macno wayn ma samaynayso in xildhibaanada mudnaan gaar ah la siiyo, maadaama ay matalaan shacabka iyo xaaladaha ay ku nool yihiin”.

“Waxaa oran karnaa mudnaanteennu waa in aan dadka u shaqaynno, oo aan helno fursad aan ku baddali karno jihada uu dalku u socdo” ayuu intaas u daray Mr Hakansson.

Xubnaha Baarlamaanka Sweden ayaa xaq u leh in ay si bilaasha ah ku raacaan gaadiidka dadweynaha.

Xubnaha baarlamaanka Sweden ayaa ka duwan baarlamaanada kale ee caalamka, mana lahan gawaari iyo darawello si gaar ah loogu qoondeeyey.

Mushaarka

“Ma adeegsanno gawaarida kirada ah,” ayay tidhi René Poedtke, oo ah mas’uul baarlmaanka ka tirsan.

“Ma jiraan gawaari gaar ah oo loo qoondeeyey xildhibaanada si ay guryahooda u geeyaan ugana soo qaadaan.”

Dhab ahaantii, siyaasiga kaliya ee leh gaadhi joogto ah dalka Sweden oo dhan waa Ra’iisal Wasaaraha.

Xildhibaanada Sweden ayaa bishii mushaar ahaan u qaata $6,900, taas oo ah kala badh mushaarka uu qaato qofka ku jira Congress-ka Maraykanka oo ah $14,000 .

celceliska mushaarka billaha ah ee Sweden ayaa ah $2,800 bishiiba.

Xildhibaanadda laga soo doorto deegaannada ka baxsan magaalada Stockholm ayaa la siiyaa gunno lagu magacaabo “traktament” – oo ah gunno joogta ah oo la bixiyo maalmaha shaqada ee ay ku sugan yihiin magaalada caasimadda ah.

Waa immisa gunnadaas? waa $12 maalintiiba, taas oo aan goyn waxa aan cunto fudud ka ahayn.

Tan iyo sanadkii 1957-dii, xildhibaanadda Sweden ma aysan qaadan jirin mushaar. taas baddalkeedana xubnaha xisbigiisa ayaa gacan ka siin jiray xildhibaan kasta dhaqaalihii uu ku noolaan lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here