War Deg Dega: Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni Oo la kulmay hoggaamiyihii DP WORLD, Iyo Qodobadii Kasoo Baxay ” Hoos Ka Akhriso

0
609
Hargeysa {Somalilandrise.Net } Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta Xarunta Madaxtooyada Waxa Uu Kula Kulmay Madax Ugu Sareeya DP WORLD oo ay Waheelinayaeen qaar kamida madaxda shirkada oo uu ugu horeeyo Sultan Ahmed bin Sulayem.Sidoo kalena Waxa madaxweynaha wehelinayay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Maxamed Cabdi Cismaan (Majin), Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdulahi Cabdi Xirsi, Wasiirka Duulista Rayidka iyo Wasaaradda Duulista Hawada iyo Xuseen Cismaan Qogadish (Gabiley) iyo saraakiil kale oo ka tirsan Dowladda Puntland.

Kulankan oo ay albaabadu uxidhnaayen waxa lagaga dooday dhismaha iyo kordhinta dekedda Boosaaso, habka dib loogu cusboneysiinaayo dekedda iyo guulaha ay gaadhy Putland  sidoo kalena waxa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin laha xidhiidhka wadashaqeyneed ee ka dhaxeeya Imaardkaa Iyo Puntland.
“Madaxweynaha Deni ayaa sheegay in ay ka go’antahay xukumadiisa horumarinta hannaanka dhismaha Puntland iyo horumarinta maalgashiga, isagoo ballanqaaday in dawladda cusub ee Puntland ay suurtagal ka dhigayso in Puntland ay marti galiso mashaariic maalgashi oo caalami ah oo taageera ammaanka iyo horumarinta gobollada Puntland.” ayaa sheegay in war-saxaafadeed uu sii daayay xafiiska madaxweynaha.
Sidoo kalena  Shirkada DP-World ayaa ballanqaaday in ay dardar galinayso dhismaha iyo ballaarinta dekedda Bosporus, iyo in la ilaaliyo dhammaan shuruudaha iyo xaaladaha mashruuca si loo horumariyo xiriirada ganacsiga.
Dhnaca kalena , Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Maamulka Badda Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majino) ayaa la kulmay daneeyayaasha kale ee khuseeya shirkadda DP-World, taas oo ku saleysan dhamaystirka  mashruuca dhismaha iyo ballaarinta dekedda Boosaaso.
Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhowr shir oo kale la qaatay Madaxda kasocota Imaaraadka Carabta, iyada oo dib u soo kabashada ganacsiga xoolaha, oo si buuxda loogu soo celiyay xoolaha sida ugu dhakhsaha badan. kulanka ayaa ku dhamaaday guul Iyo Is afgarad buuxa

 

Cabdiwali Yuusuf Cumar, somalilandrise.net

somalilandrise@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here