Qaar Ka Mid Ah Basaska Dadweynaha Ee U Kala Goosha Xaafadaha Hargeysa Oo Shaqo Joojin Sameeyey Iyo Sababta Keentay Arrintaasi

0
1055

Gaadiidka u kala goosha xaafadaha magaaladda Hargeysa ee looyaqaan Busas-ka ayaa maanta gabi ahaanba shaqooyinkii joojiyey ka dib markii ay ka cawdeen gaadiidka Taksiyadda yaryar oo shaqooyinkoodii ka qaaday.

Guddida Busaska ayaa sheegay in ciidanka amnigu wax ka qaban waayey amar ka soo baxay dawladda hoose ee Hargeysa oo lagu kala xadaynayo gaadiidka yaryar iyo Busaska, ka dibna ay ka baqeen inay isku dhacaan labadda gaadiid, taasina ay keentay inay iyagu door bideen inay shaqooyinkii ay dadweynaha u hayeen joojiyaan inta wax laga qabanayo.

Gaadiidka waaweyn ee Busaska ayaa inta badan u kala goosha magaaladda dhexdoodda, haseyeeshee gaadiidkii yaryaraa ee Takaasida ayaa ugu yimid dadkii ay qaadi jireen Busaska, taasina waxay keentay inuu dagaal dhexmaro gaadiidka yaryar iyo Busaska, ka dibna waxay isla qaateen Busasku inay joojiyaan shaqooyinkii ay dadka u hayeen.

Gudoomiyaha Busasleyda Cabdikarim Axmed Yuusuf ayaa sheegay in markii wax laga qaban waayey, isla markaana ay ka baqdeen inay gacmaha iskula tagaan ay lanoqotay inay joojiyaan Busaska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here