DEG DEG Raysal Wasaare Kheyre oo ka hadlay qaraxyadii iyo weerarraddii maanta ka dhacay Muqdisho

0
1594

 Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya  Xasan Cali Khayre, ayaa ka tacsiyeey dadkii maanta ku dhintay Qaraxyadii Ururka Al-Shabaab ay ka geysteen Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku shahiiday weerarka ugu duceeyay in Allaha uu jannadii geeyo eheledii iyo asxaabtii ay ka bexeenna samar iyo iimaan uu ka siiyo.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tacsi gaar ah u diray Wasiir ku-xigeenkii Wasaarradda Shaqada iyo arrimaha bulshada, Saqar Ibraahim Cabdalla oo kamid ahaa dadkii ku shahiiday, waxa uuna dhammaan dadka ku dhaawacmay u rajeeyay in Allah uu siiyo caafimaad deg deg ah.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda ayaa ballan qaaday in dawladda Soomaaliyeed ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here