Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Oo Booqday Safaaradda Somaliland Ku Leedahay Dalka Itoobiya

0
2025

Addis Ababa-21-02-2019-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo oo ku guda jira safarka shaqo ee ay ku joogaan dalka Itoobiya, ayaa maanta booqasho  ku tegay safaaradda Somaliland ku leedahay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee wehelinaya, ayaa waxa safaaradda kusoo dhaweeyey safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya, Ambassador Axmed Xasan Cigaal, ku xigeenkiisa iyo shaqaale weynaha ka hawlgala safaaradda Somaliland ee dalka Itoobiya, safiirka Somaliland ayaa madaxweynaha siiyey warbixin ku saabsan qaabka ay safaaraddu u shaqayso, qorsheyaasha u qabsoomay iyo horumarka ay ka sameeyeen xoojinta xidhiidhka labada dal.

Madaxweynuhu waxa uu safiirka iyo guud ahaanba shaqaale weynaha safaaradda Somaliland ku leedahay dalka Itoobiya ku bogaadiyey sida hagar la’aanta ah ee ay qarankooda ugu shaqaynayaan, waxana uu ku boorriyey inay halkaa ka sii wadaan dedaalkooda.

DAAWO MUUQAAL:-

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here