Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Maalmihii Udanbeeyay Dedaal Dheer Galiyay Hayaankii Hanashada Hogaanka Kulmiye Iyo Shirar Goos Goos Ah Oo Ka Dhacay Magaalooyin Dalka Ka Mid Ah

0
1409

Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay Gudidda fulinta ee Xisbiga kulmiye shaaciyeen inu qabsoomayo kalfadhigii lixaad ee xibigaasi yeesho , waxa talaabadaasi xisbigu qaaday Hinqasho ku samaysay Wasiirkii Hore ee madaxtooyada somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay tan iyo intii xilka wareejisay Xukuumadii hore ee Kulmiye godmadaw ay ku rideen Baarqabo Mudado badan lagu Ciilay inay mar kaliya Gacanta Ku qabtaan talada waddanka
Waxaana mudadii ay talada hayeen Meesha Ka baxday rajooyinkiisii Maansooniyadu Dabada Ka Riixaysay iyo Rajadii Siyaasiga Gacan Ku Rimiska ah ee Iluminatigu ka dambeeyaan Waa Maxamuud xaashi Cabdiye .
Waxana Labadii Todobaad ee ugu Dambeeyayba uu ku hawlanaa Safaro kala duwan oo uu ugu baxay Gobolka Saraar magaalo Madaxdiisa caynaba , Magaalada Burco , Boorame , Halka Safarkiisii ugu Dambeeyayna uu ku Tegey Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil .
Waxana dhamaan goobahaasi uu hore u tegey kulamo iyo shirarba kula qaatay Madaxdhaqameedka Beeshiisa oo ka codsaday inay la galaan Halganka uu ku doonayo inuu mar uun gacanta ku qabto Gudoomiyaha Kulmiye isla markaasina ay Saxaafada ka hadlaan dhawr mar oo is xig xiga taasi oo ay madaxweyne muuse biixi cabdi ku adkaynayaan inuu xisbiga ku wareejiyo maxamuud xaashi cabdi.
Balse kulankiisii ugu dambeeyay ee Uu ku tago Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka saaxil Wuxu kulan halkaasi kua qaatay ganacsatada Waaweyn ee beesha uu kasoo jeedo kuswaasi oo uu ka codsaday inay maalkooda isla garab taagan inta uu helayo Jagada Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye .
Balse weli wax war oo rasmi ahi kama soo bixin kulankaasi , Halkan Ayaanu se idin kula socodsiin doonaa wixii warar ah ee dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here