Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Sanaag Oo Qabyaalad iyo Eex Ku Kala Soocay Shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka. Iyo Mashaariicdii Dheefta Lahayd Oo Uu Ku Naasnuujiyay Cid Gaar Ah

0
934
Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Sanaag Oo Qabyaalad iyo Eex Ku Kala Soocay Shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka. Iyo Mashaariicdii Dheefta Lahayd Oo Uu Ku Naasnuujiyay Cid Gaar Ah
Dr. Naasir oo ah isuduwaha wasaarada caafimaadka mudadii uu xilka hayey wuxu galay fadeexad qabyaalad shaqaale oo baahsan isagoo samaytay dhalinyaro baraha bulshada ka ammaanta oo beeshiisa ah ninkan oo ah dhakhtar boog ku ah bahda caafimaadka guud ahaan ayaa waxa magacaabay wasiirka caafimaadka oo ay isku hayb yihiin.
Waxyaabaha la yaabka leh uu ku kacay waxa ka mid ah inuu shaqada u diido shaqaale imtixaan ku soo baxay, inuu dhammaan shaqaalihii wasaarada ee gunnooyinka ama maamulka cusbitaalka ka wada dhigay beeshiisa .
Wuxu sidoo kale mashruuca keliya ee ka socda wasaarada caafimaadka oo ah mashruuca hooyada iyo dhallaanka (simoc) wuxu u dhiibey xaaskiisa oo madax ka ah.
Wasiirka caafimaadka oo dhowaan tegey gobolka sanaag wuxu diidey inuu la kulmo shaqaalihii beelaha kale ee gobolka wuxu keliya la kulmay shaqaale isku hayb ah oo dhammaan xilalkii iyo gunnooyinkii wasaarada isku taxay.
Hadaba ficilada yaabka leh waxa ka mid ah in isuduwaha caafimaadku diidey wax Warbixin ah u diro agaasimaha guud ee wasaarada dr. Xergeeye isagoo kalsooni ka haysta wasiir xasan oo xidhiidh qabyaaladeed ka dhexeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here