Hogaanka Nabad Gelyada Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Oo La Sheegay Inay Xabsiga U Taxaabeen Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore (Cabdilaahi Itoobiya)

0
1673

Waxaa shalay galab saxaafada deegaanka lahadlay Hogaan kuxigeenka Nabadgalyada Maamulka iyo Cadaalada DDS Mudane C/hi Dheere iyo Komishinka booliska DDS General Maxamed Yare,

Mudane Cabdulaahi Dheere ayaa digniino adag usoo jeediyay kooxo uu kutilmaamay qaswadayaal ku mashquulsan sidii bulshada shaki loogu abuurilahaa islamarkaana deegaanku uwajihi lahaa xaalad amaan daro,

Hogaan kuxigeenka ayaa sheegay in xukuumadu ayna udulqaadan doonin dhaqamada noocaas ah wuxuuna fariin udiray dhamaan qaybaha kaladuwan ee hayadaha amaanka deegaanka isagoo shacabkana kacodsaday inay kala shaqeeyaan siixoojinta amaanka iyo xasiloonida maanta lahaysto,

Hadaba waxaa durba magaalada jigjiga lagasoo sheegayaa inay jiraan shaqsiyaad caawa xabsiga lootaxaabay, kuwaas oo uu kamid yahay Cabdulaahi Yiusuf Weerar (Itoobiya) kaasoo horay usoo noqday madaxwayne kuxigeen ahaana hogaan Nabadagaliyo,

Ilaa iyo hada Lama oga in xidhayga Cabdulaahi Itoobiya uu laxidhiidho digniintii Haayadaha amaanku shalay soosaareen iyo inkale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here