Wararkii U Dambeeyey ee Guddida Ka Soo Talo Bixinta Muddo Kordhinta Doorashooyinka Somaliland

0
571

 

 

Guddida ay golaha guurtida Somaliland u saareen ka soo tallo  bixinta mudo kordhinta loo samaynayo doorashooyinka golahayaasha baarlanka iyo deegaanka ayaa ku hawlan sidii ay golaha guurtida Somaliland go,aan uga gaaadhi lahaayeen mudo kordhinta loo soo gudbiyey, waxaanay gudidaasi maalintii 2aad ay ku gudo jiraan ka soo tallo bixinta golahaasi u xilsaaray.

 

gudigan ay golaha guurtida Somaliland u saareen ka soo tallo bixinta mudo korinta loo samaynayo doorashooyinka golahaayasha baarlamnka iyo deegaan oo ka kooban 21 xubnood iyo shir gudoonka ayaa la sheegay inay kulamo gooni gooni ah la yeelanayaan axsaabta siyaasada iyo ururada arimaha bulshada, waxaanay guddidan  qiimayn ku samaynayaan caqabadaha ku gedaaman qabsoomidda doorashada ee ay hore u sheegeen komishanka doorashooyinka Somaliland.

 

Guud ahaanba  amaanka xarunta  Baarlamaanka Somaliland, ayaa la adkeeyey iyada oo loo diiday inay gudaha u galaanw warbaahintu xarunta golaha iyo dadka shacabka ahba, maadaama oo ay halkaasi guddida kazoo talo bixintuta muddo kordhintu ka wadaan halkaasi hawshan loo xil saaray.

 

Shacabka Somaliland ayaa u dhag taagaya go’aanka ay mudaneyaasha golaha guurtida Somaliland ka soo saari doonaan muddo kordhinta hor talla ee ay  guddidani ku hawlanyihiin, waxaanay maalmaha soo socda golaha guurtida guddidani u gudbin doona  qodobada ay ku talinayaan ee la xidhiidha muddo kordhinta, ka dibna ay golaha guurtidu ku dhwaaqi doonaan muddo kordhinta rasmiga ah ee laga sugayo, taas oo aan illaa hadda la garanayn inta ay noqon doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here