Dowladda oo sheegtay in la qabtay qofkii ka danbeeyay Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
520

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay darwalkii waday gaarigii maanta isku qarxiyay xaafadda Kaawo Godey degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka amniga Xukuumadda  Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa Wakaalada SONNA u sheegay in ninkii waday gaariga qarxay gacanta lagu soo dhigay kadib markii uu isku dayay inuu ka baxsado Ciidamada amniga.
Gaariga ku qarxay Suuqa Kaawo Godey waxaa ka dhashay khasaaro xoogan oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah , waxaana gaariga qarxay la sheegay in la dhigay goob dad badan ku sugnaayeen.

Inta la xaqiijiyay qaraxaasi ka dhacay Suuqa Kaawo Godey waxaa ku dhintay 8-qof halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen, lamana oga in goobta gaarigu ku qarxay uu ahaa bartilmaameed rasmi ah iyo in kale.

Qaraxan ayaa imanaya xili maanta subaxnimadii hore ee saakay uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo Qarax xoogan oo ay mas’uuliyadiisa sheegteen Al-shabaab

Xigasho Hiraan Online

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here