Hayadda  Shaqaalaha Dawladda Somaliland Oo Goboladda Dalka Ku Baahisay  Kaalmo Shaqo Iyo Maamul Daadejin Buuxda Oo Bilaabantay

    0
    533

    Hayadda  Shaqaalaha Dawladda Somaliland Oo Goboladda Dalka Ku Baahisay  Kaalmo Shaqo Iyo Maamul Daadejin Buuxda Oo Bilaabantay `

    `”50 Kaalmo Shaqo ayaa Gobol Walba Tartan Loo Geli Doona, Halkaas oo 300 Shaqaale la qorayo iyada oo Maamul Daadejin iyo Xulusho Xirfad ku dhisan waa Yoolka Xukuumadda…“ Guddo. Sharmarke Geelle

    Xukuumadda Somaliland, ayaa shaacisay inay 250 kaalmo shaqo oo Dowladda ka banaan oo la qaadanaayo, 5 gobol oo dalka ah Tartamo Imtixaan looga geli doono dhawaan, waxaana faafhaahin ka bixiyey kaalmahan shaqo ee dowladdu shaacisay Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dowladda md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo sharaxay goboladda ay kala yihiin shantaasi gobol iyo qaabka Imtixaanka loo gelaayo.

    Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo isaga iyo wefti uu hogaaminaayo oo guddida hay’adda shaqaalaha Dowladda ka socda ka mid yihiin oo gobolka Togdheer ku sugan, ayaa halka maanta waxay ku shaaciyeen 250 kaalmo shaqo dowladdu qaadanayso, kaalmahaasi shaqo oo Goboladda kala ah Maroodi Jeex, Togdheer, Saaxil iyo Sool gobol kasta 50 boos tartan Imtixaan loogu geli doono shaqooyin dowladda ka banaan oo ay qaadanayso kuwaasi oo muwaadiniinta aqoonteeda leh goboladda dalka ay tartano u geli doonaan, halka gobolka Sanaag isaga hore loo baahiyey shaqaalihiisa dawladdu qaadanayso.

    Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo Magaaladda Burco isaga iyo Weftiga guddida Hay’adda Shaqaalaha ka tirsani ay ku wada qabteen shir Jaraa’id ku faahfaahinaayey waxa warsaxaafaddeedkiisu u dhignaa sidan.

    Baahin Kaalmo Shaqo “250 Kaalmo Shaqo”

     

    Iyada oo Mudooyinkii u dambeeyey Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu gacanta ku haysay buuxinta kaalmihii Shaqo ee kasoo baxay tiro-koobkii Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ku soo sugtay tirada rasmiga ah ee Shaqaalaha Dawladda JSL ayaa waxaa bilowday baahinta kaalmihii Shaqo si dhalinyarada dalku si siman ugu tartamaan.

     

    Haddaba, Guddida Hay’adda Shaqaalaaha Dawladdu waxa ay tartamada ku qaban doonnaan gobolada kala duwan ee dalka iyada oo fulinaysa go’aanka xukuumada ee maamul-daadajinta iyo in muwaadin walba Gobolka uu dalka ka joogo ee ugu dhaw ku helo adeega Dawladda iyo Khayraadka Dawliga ee shaqaalayntu kamid tahay.

     

    Sidaa darteed, Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa ay shaacinaysaa 250 Kaalmo shaqo oo tartanka lagu geli doonno 5-ta Gobol ee soo socda:

     

    1- 50 – Kaalmo Shaqo: Gobolka Maroodi-jeex

    2- 50 – Kaalmo Shaqo: Gobolka Awdal

    3- 50 – Kaalmo Shaqo: Gobolka Saaxil

    4- 50 – Kaalmo Shaqo: Gobolka Togdheer

    5- 50 – Kaalmo Shaqo: Gobolka Sool

     

    Halka 50 – Kaalmo Shaqo-na horay loogu baahiyey Gobolka Sanaag

     

    Kaalmahan Shaqo ee cusub ayaa loo geli doonnaa 3-nooc oo imtixaan oo ku salaysan hadba baahida Wasaaradda/Hay’ada Dawladda kuwaas oo kala ah:

     

    1- Maamulka iyo Maaraynta “Management and Administration Exam”

    2- Sharciga “Legal Exam”

    3- Xisaabaadka iyo Maaliyada “Accounting and Finance”

     

    Shuruudaha looga baahan yahay Tartamaasha ayaa ah:

     

    1- In uu sito Shahaado Jaamacadeed oo la xidhiidha Shaqada uu Codsanayo

    2- In uu soo gudbiyo CV-ga iyo Warqadii Codsiga oo ay ku cadahay shaqada uu Codsanayo.

    3- In uu soo qaato Warqada dembi la’aanta

    4- In uu keeno laba sawir oo kur ah

    5- In uu keeno kaadhka aqoonsiga Somaliland oo goobta dhalashadu tahay meel kamid ah Gobolka uu tartanka ku gelayo

    6- In uu diyaar u yahay in uu ka shaqeeyo meel kasta oo kamid ah gobolka uu shaqada ka xaraystay iyo hadii loo baahdo xarumaha dhexe ee Dawladda

     

    Taariikhda Xayaysiiska:- Khamiis 22/11/2018

    Taariikhda Bilowga qabashada Arjiyada:- Axad 25/11/2018

    Taariikhda ay xidhmayso qabashada Arjiyada:- Axad 2/12/2018

     

    Goobta Qabashada Araajida: Xafiiska Maamulka Gobolka oo ay kuugu diyaarsan yihiin Masuuliyiinta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

     

    Fiiro Gaar ah:-

     

    1-Waxaa dib laga soo sheegi doonnna Gobol walba iyo maalinta imtixaanka lagu gelayo kadib marka la soo af-meero qabashada araajida Shaqo-doonka halka xaraysiga codsiga shaqo laga siman yahay gobol walba oo si is-barbar socda ayaa loo xaraysanayaa

     

    2-Tartame walba waxa keliya ee uu ka xaraysan karaa gobolka uu goobta dhalashada ugu qoran tahay aqoonisga muwaadinka “Somaliland National ID” ama ka codaynta “Voter Registration ID”

     

    3-Tartamayaasha ka xaraysanaya Gobolka Maroodi-jeex waxa ay u furan tahay dhammaan tartamayaasha kasoo jeeda Goboladda dalka

     

    4-Waxaa xusid mudan in Kaalmahan shaqo 30% kamid ah ay noqon doonaan gabdho taasi oo ka dhigaysa saamiga tartamadan in lagu shaqaalayn doonnno 90 Gabdhood

     

    5-Kaalmaha Shaqo ee Wasaaradaha; Waxbarashada iyo Caafimaadka Kaalmahooda Shaqo waxaa lagu buuxinayaa kormeer loogu kuur gelayo cida adeega gacanta ku haysa

     

    6-Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa ay qoondo iyo qorshe ka soo saaraysaa muwaadiniiinta mudan tix-gelinta gaarka ah sida:

     

    -Dadka Alle Laxaadkooda ku imtixaamay ee xubno jidhkooda kamid ah uu ka qaaday “Naafada”

     

    -Muwaadiniinta gobta ah balse gar-darada loo faquuqay

     

    Maamul-wanaag, maamul-daadajin iyo xulasho xirfad ku dhisan waa Yoolka Tartamadan looga gol leeyahay.

     

    Allaa Mahad Leh

     

    Sharmaake Axmed Muxumed Geelle

    Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here