Muuqaal/Sawiro: Xildhibaan Siciid Cabdisamad Oo U Taagan Doorashadda Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Saaka Si Balaadhan Madaarka Hargeysa Loogu Soo Dhaweeyey

0
1030

 

Murashaxa golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa Xildhi. Siciid Cabdisamad (Siciid Cudhay), kana sharaxan Xisbiga Mucaaridka ee UCID, ayaa Madaarka Caasimadda Hargeysa loogu soo dhaweeyey si wayn, waxaana Xildhibaan Siciid oo dalka Norway socdaal kaga yimid kuna soo guryo laabtay dalkiisa hooyo ayaa soo dhawayn uu ka mafsuuday kala kulmay bulshadda Koonfurta Hargeysa ku dhaqan.

Murashax Xildhi. Siciid Cabdisamad (Siciid Cudhay) oo ah xildhibaan u taagan doorashadda golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa ee sannadka dambe la filaayo inay Somaliland ka dhacdo, ayaa xildhibaanka oo ah Qurbo-jooga Somaliland ee degan Dalka Norway, waxa Saaka Madaarka Caalamiga ee Cigaal Aiports ee Caasimadda Hargeysa, waxa si diiran ugu soo dhaweeyey boqolaal ka mida taageerayaasha, madax dhaqameedka, Siyaasiyiinta iyo Haween iyo dhalinyaro kaga hortay halkaasi Xildhibaan Siciid, waxaanu xildhibaanku uga mahadceliyey Taageerayaasha iyo boqolaalka qof ee hakaasi Caleemaha Qoyan iyo boodhadhka Sawiraddiisu ku qoran yihiin kala hortegay.

 

 

Halkan Ka Daawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here