DEG DEG Hanti-dhowraha Guud Oo Sheegay Inay Baadhitaan Iyo Dabagal Ku Samaynayaan Wasaradaha Maaliyadda Iyo Arrimaha Dibedda

0
1000

Guddoomiyaha Xafiiska Hanti dhowraha guud ee qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir, ayaa  isaga oo Khudbad kooban ka jeedinaayey Xafladii Xil Wareejinta wasiirka cusub ee horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire uu xilka kaga la wareegay wasiirkii hore ee wasaaraddasi Yuusuf Maxamed Cabdi, waxa uu halka ka sheegay Hanti Dhawruhu inay meel gebo gebo ah u marayso Baadhitaan dhinaca musuq maasuqa la xidhiidha oo hay’addoodu ku waday labdaasi masuul ee xilka la kala wareegay oo kala ah Wasiirkii hore ee Wasaaradda  Horumarinta Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi iyo wasiirka cusub ee wasaaraddasi Madaxweynuhu u soo magacaabay Dr Sacad Cali Shire, waxaanu halka ka cadeeyey Hanti-dhowraha qaranku inay baadhitaan meel fiican u maraaya ku wadaan labadan masuul oo ay baadhayaan mudadii ay wasaaraddaha arimaha dibadda iyo wasaaradda maaliyadda madaxda ka ahaayeen qaabkii ay wasaaraddahaasi u maamuleen bal inay wax musuq maasuqa la xidhiidha galeen iyo in kale.

Hanti Dhowre Axmed Yuusuf Dirir oo ka hadlaayey Baadhitaanka ay ku wadaan labadii wasiir ee hore ee wasaaraddaha horumarinta Maaliyadda iyo Arimaha Dibadda Somaliland waxa uu yidhi “Labada wasaaraddoodba hada anaga waxa nooga socotay baadhis oo wasaaradda arimaha dibaddana gebo gebo ayey baadhitaanka aanu ku wadnay noogu socotay wasaaradda Maaliyaddana mudo Bil ku dhaw ayey hada baadhistu nooga socotay, labada masuulba in kasta oo xilal cusub hada loo magacaabay balse anaga oo Dukumentiyada iyo wixii aanu kala xidhiidhayno waxaanu kala xidhiidhi doona wixii hore ee baadhistayadu ku socotay, wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi na isaga oo imika la geeyey meel bani’aadamka lagu dhisaayo iyada oo markii hore meel lacagta lagu dhisaayo uu joogay , laakiin imika waxa la geeyey meel ka sii muhiimsan oo bani’aadamka lagu dhisaayo, marka dadka la dhiso ayey waxa kalena yimaadaan , marka Yuusuf meel dadkii lagu dhisaayo ayaa la geeyey, laakiin anagu ka Hanti dhawr ahaan baadhista aanu ku wadno labaduba (Yuusuf Maxamed Cabdi iyo Dr Sacad Cali Shire) waxay noo joogaan labadii wasaaradood ee hore ee Maaliyadda iyo arimaha dibadda iyagana inta aanu hawshayada baadhista sameynayno waxaanu ka rajaynaynaa inay wada shaqayn fiican na la sameyn doonaan”

“Waxanu Badhayna Wasaradaha Arimaha Dibeda & Maaliyada Hanti Dhawrka Qaranka” Hantidhawraha guud ee qaranka somaliland waxa uu sidaasi ka sheegay munaasibad ay xilka kula kala wareegayeen wasiirka cusub ee maaliyadda iyo kii hore:-

 

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAAS OO FAH FAAHSAN:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here