Cardiff(SR):-Waftigan Wasiirada iyo Saraakiisha Dawlada Somaliland iskugu jira oo labadii maalmood ee ugu danbeeyay ku sugnaa dalka Ingiriiska gaar ahaan Gobolka Wales Caasimada Cardif.
Safarka Xubnahan wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee ka socday xukuumada madaxwayne Muuse Biixi ayaa waji gabax Kala kulmay Jaaliyada reer Somaliland ee Cardiff iyo guud ahaan taageerayaashii xisbi xakimka Kulmiye. Kadib markii Aanay xubnaha waftigan wax xidhiidha lasoo samayn Bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan Gobolka Wales iyo ujeedada rasmiga ah ee ay u yimaadeen toona.
Dhanka kale xubnaha waftiga wasiirada ah ayaa waxaa gadhwadeen ka ahaa shaqsiyaad aan wax xil ah ka haynin xukuumada oo hore ururada bulshada ee ka dhisan Magaalada cardif khilaafyo badan kasoo dhex abuuray balse markii ay arkeen isagoo waftigii xukuumada hor kacaya ay keentay inaanay gabi ahaanba u samaynin wax soo dhawayn ah
Waji gabaxan ay Cardiff kala kulmeen xubnaha ka socday xukuumada kulmiye ayaa dhanka kale keentay in ay miciin sadaan in uu gadhwadeen u noqdo inta ay halkan ku sugan yihiin gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Wadani taasi badi bulshada taageerta xisbiga Kulmiye ay dareen cadhole ka bixiyeen .
Dhacdadan ay la kulmeen waftigani ayaa loo Sababaynayaan in ay ka danbaysay In Waftigu Anaay markooda horeba ku Iman wax Qorshe ah Oo Ay Xaga Xukuumada kaga Socdeen. Waana Sababta keentay Inay ugacan Galaan Gudoomiyihii Xisbiga Mucaaridka Waddani Ee Cardiff Mudane Mubaarik Axmed.