Weftigii Somaliland Ee Itoobiya Ku Sugnaa Oo Kulan Casho Iyo Xog Waran Ahaa Kula Qaatay Addisababa Shaqaalaha Dawladda Somaliland Ee Waxka Barta Jaamacaddas Shaqaalaha D. Ee Itoobiya

0
707

Weftigii Somaliland Ee Itoobiya Ku Sugnaa Oo Kulan Casho Iyo Xog Waran Ahaa Kula Qaatay Addisababa Shaqaalaha Dawladda Somaliland Ee Waxka Barta Jaamacaddas Shaqaalaha D. Ee Itoobiya

“Kulanka Casho Sharafeedka Ee Shaqaalaheena Jaamacadda Shaqaalaha Itoobiya Wax Ka Barta Aanu La Yeelanay Waxa Aan Ballanay In Ka Sakow Aqoon Barashada Ay Noqdaan Safiiro Sawir Wanaagsan Ka Bixiya Dalkooda” Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle

 

Weftigii Dawladda Somaliland ka socday ee dalka Itoobiya ku sugnaa ayaa Magaaladda Addisababa  kulan Casho Sharafeed ah kula la qaatay  Shaqaalaha Dawladda Somaliland ee Waxka Barta Jaamacadda Shaqaalaha ee dalka Itoobiya, halkaasi oo madaxda Somaliland ka socotay ay xog waran kula yeesheen shaqaalaha waxbarashadda u jooga Addisababa.

Weftiga Somaliland ka socday ee Itoobiya Safarka shaqo ku jooga oo ay ka mid yihiin Wasiirka Shaqo-gelnta iyo Qoyska ee Somaliland Marwo  Hinda Gaani Axmed,  Wasiir-xigeenka Wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta Md Xuseen Ibraahim Buuni,  Wasiir-ku-xigeenka cusub ee wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Maxamed Daahir Furre Iyo Guddoomiyaha  Hay’adda shaqaalaha dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, Xildhibaan golaha wakiilada ka tirsan  , ayaa habeenkii xalay ahayd kulan Casha sharafeed iyo is xog waraysi ah la yeeshay Shaqaalaha Dawladda Somaliland ee wax ka barta Jaamacadda shaqaalaha dawladda ee Itoobiya kulankaasi oo uu ka warbixiyey Guddoomiye Sharmarke Geelle sheegayna in uu si fiican oo is xog waran ah ugu soo dhamaaday.

md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo ka warbixinaayey kulankani weftiga Somaliland ee adisababa ku sugani la qaateen Shaqaalaha dawladda Somaliland ee wax ka barta Jaamacadda shaqaalaha dawladda Itoobiya waxa uu hadalkiisu u dhignaa sidan.

Casho Sharaf Xog-Wadaag , Xurmayn Iyo Xaal-Waran Isugu Jirta Ayaan Wada Yeelanay Shaqaalaha Dawladda Somaliland Ee Wax Ka Barta Jaamacada Shaqaalaha Ethiopia

-Waftiga Somaliland ee ku sugan Caasimada Ethiopia ee Addis Ababa ayaa xalay kulan isugu jira xog-wadaag, xurmayn iyo xaal-waran la yeeshay Shaqaalaha Dawladda ee Wax ka barta Jaamacadda Shaqaalaha Ethiopia

-Intii kulanku socday ayaan kaga sheekaysanay halganka ay ugu jiraan aqoon korodhsiga iyo in ay si wanaagsan uga faa’idaystaan fursada ay heleen.

-Ugu dambayn, waxa aan ballanay in ka sakow aqoon barashada ay noqdaan safiiro sawir wanaagsan ka bixiya dalka ay ka yimaadeen ee Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here