42 Ergo ka kooban beelihii Dhumay ku dagaalamay oo oo Qaaday Jigjiga Laguna heshiisiinayo

0
639

Ergo Ka kooban 42xubnood oo ah odayaal laga soo kala xulay beeihii dhowaan ku daglaamay deegaanka dhumay ee koonfurta goboka sool oo kala ah min 21 xubnood labada beelood ee colaadu dhex martay. Ayaa la geeyey magaaladda jigjiga ee xarunta dawlad deegaanka somaliada itoobiya, halkaas oo loo geeyey sidii loogu soo heshiiyo, waxaana hogaaminaya ergooyinkaasi arrimaha nabadaynta loo geeyey agaaladda jigjiga Garaadka guud ee dawlad deegaanka somalida itoobiya garaad Kulmiye Garaad Dool Garaad Xirsi Garaad Wiil-Waal oo maalmihii u dambeeyey gacata ku hayey nabadaynta colaadda labadan beeloodisagana dabqaadayey isaga oo ku sugnaa deegaanka ay ku dagaalameen ka dibna gogosha nabadda loo dhigay magaaladda jigjiga ee ay u amba bexeen ergooinkani.

Garaad Kulmiye Garaad Dool Garaad Xirsi Garaad Wiil-Waal ayaa BBCda u xaqiijiyey in ergooyinkaasi ka kala socda labada beelood ee colaadu ku dhexmartay dhumay oo ay ku dhinteen dad gaadhaya 50 qof ina u qaadeen dhinaca magaaladda jigjiga kuna soo heshiisiin doonaan, isla markaana ay dhex dhexaadintooda gacanta ku hayaan madaxdhaqameedka iyo maamulka dawlad deegaanka somaliada itoobiya, waxaana hore labadan beelood loogu heshiisiiyey magaaladda laascaanood ee xarunta gobolka sool oo odaaal laga dhaariyey halkaasi, balse maalmo kooban ka dib ay colaaddaasi dib uga bilaaban tay deegaanka ay wada degaandad bad banna ku kala dhinteen, iyada oo ay colaaddan u dhexeaysa labadan beelood tahay mid muddo dheer soo jirtay.

Dhinaca kale wefti uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha smaliland oo ay ka mid yihiin xubno isugu jira madaxdhaqameed iyo odayaal guurti a ayaa iguna sool u jooga nabadaynta collaadda labadan beelood ee colaadu dhex martay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here