100 Sanno Guuradii Ka Soo Wareegtay Dagaalkii Koowaad ee Aduunka Oo La Xusayo

0
658

Hogaamiyeyaasha caalamka ayaa isugu yimid xus balaadhan oo loo sameeyey markii uu dhamaaday dagaalkii koobaad ee aduunka oo mudo qarni ah laga joogo.

Xuskan ayaa lagu qabtay dalka faransiiska waxaana ka soo qaybgalay hogaamiyayaal tiro badan oo ay ka mid yihiin hogaamiyayaasha badi qaarada yurub, maraykanka, iyo waddo afrikaan.

Madaxweynaha faranskiiska oo kulanka xuskan ka hadlay ayaa ku booriyey madaxdii ka soo qaybgashay xuskaasi dhamaadka dagaalkii koowaad ee aduunka inay inay dagaal dheer u galaas sidii loo ilaalin lahaa nabada.

“Dhamaadka dagaalku iyo in aan foolxumadii dhacday dib ugu soo noqon, faransiiska, ama yurub ama bariga dhexe iyo aduunka oo dhan” ayuu yidhi Madaxweynaha dalka Faransiiska Macron oo halkaasi hadal ka jeediyey.

Waxaanu intaasi ku daray Madaxweynaha faransiisku waa in la xasuusnaado oo aynaan iloobin maxaa yeelay, xusuusta nafbixii aynu soo marnay waa ta ugu xun kuwii dagaalamay iyo kuwuu dhintayba, hada waa inaynu ka bad qabnaa wixii dhacay aynu dib u xauusano.

Waa in aynu iska daynaa fikrada iyo mabaadiida dhalin kara dagaal ee is-aaminid la’aanta ku dhisan.
Dagaalkii koobaad ee aduunka ayaa qarxay sanadkii 1914 kadib markii la shirqoolay hogaamiyihii dhalinyarada ahaa Bosnian Serb Archduke Franz Ferdinand, oo wadnaha boqortooyadii.

Afar sanadood oo la dagaalamayey xusuusta dagaal fool xun oo qadhaadh markii ugu horaysay ee la isticmaalay hubka gaasta ah, boqortooyadii faransiiska iyo Ingriiska, ruushak iyo maraykanka ayaa ahaa kuga ugu weyn ee iska soo horjeeday isbahaysigii uu jarmalku hogaaminayey oo ay ku jirtay boqortooyadii Austro-hungarian iyo tii cusmaaniyiintu.

Ayaa waxa meesha marayay in ka badan 70 Million oo milatari hubaysan ah, halka ay naftooda ku waayeen toban milyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here