Weftigii  Somaliland Ee Itoobiya Ku Sugnaa Oo Kulan Addisababa Kula Qaatay Madaxda Jaamacadda Shaqaalaha Itoobiya Iyo Arimaha Muhiim Ah Ee Laga Wada Hadlay

0
612

Weftigii  Somaliland Ee Itoobiya Ku Sugnaa Oo Kulan Addisababa Kula Qaatay Madaxda Jaamacadda Shaqaalaha Itoobiya Iyo Arimaha Muhiim Ah Ee Laga Wada Hadlay

“Kulankan Aanu Addisababa Kula Yeelanay Madaxda Jaamacadda Shaqaalaha Itoobiya, Ayaan Ku Qorshaynay Yoolka Fog Ee Xidhiidhkan Iyo Jihada Cusub Ee Deeqaha Waxbarasho Halkaas Oo Uu Ku Soo Dhamaaday Si Barkhad Iyo Bushaaro Leh” Guddo. Sharmarke Axmed Muxumed Geelle

 

Weftigii uu Dawladda Somaliland ka socday kana midka ahaayeen 1-Wasiir-xigeenka Wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta Md Xuseen Ibraahim Buuni 2- Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Wasaarada Maaliyada ahna Wasiir-ku-xigeenka cusub ee Waxbarashada iyo Sayniska Maxamed Daahir Furre Iyo Guddoomiyaha  Hay’adda shaqaalaha dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle  oo ku sugan magaalo madaxda dawladda Itoobiya ee Addisababa, ayaa kulan la yeeshay Madaxda aamacadda Shaqaalaha Ethiopia waxaana labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo soo xoojinlahaa xidhiidhka Xidhiidhka Jaamacaddaasi iyo Hay;adda shaqaalaha dawladda oo ay weheliso Machadka Dawladda ee (CSI) Somaliland.

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo isagu ka mid ahaa  weftiga Somaliland ee Dalka Itoobiya ku sugan kana mid yihiin Wasiir xigeenka Wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta Md Xuseen Ibraahim Buuni  iyo Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Wasaarada Maaliyada ahna Wasiir-ku-xigeenka cusub ee Waxbarashada iyo Sayniska Maxamed Daahir Furre , ayaa tafaasiil dheerada ka bixiyey kulanka Caasimadda Addisaba ay kula qaateen Madaxda Jaamacadda Shaqaalaha Dawladda oo uu tilmaamay inay ka wada hadleen sidii kor loogu sii qaadilahaa Xidhiidhka labada dhinac isla markaana ay isla soo qaadeen oo isku waafaqeen kordhinta iyo sii waditaanka Deeqaha Waxbarasho ee Jaamacaddani siiso Jamhuuriyadda Somaliland oo si mug leh layskula fahmay.

Guddoomiye Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo sharaxaayey kulankani Addisababa ka qabsoomay  iyo waxyaabaha ay labada dhinac kaga wada hadleen waxa uu hadalkiisu u dhignaa sidan.

Isaga oo Waftigii Somaliland ku sugan Caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa, ayaanu kulan muhiimadiisu ahayd xoojinta xidhiidhka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo kaashanaysa Machadka Shaqaalaha Dawladda Somaliland “CSI” ay la leeyihiin Jaamacadda Shaqaalaha Ethiopia “ESCU” ugu tegnay Gudoomiyaha Jaamacadda Shaqaalaha Ethiopia Prof. Fikre Dessalegn

Intii Kulanku socday waxa Waftigu uga mahadceliyeen Jaamacadda Shaqaalaha Ethiopia deeqda waxbarasho ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland sida Sannadlaha ah uga hesho Jaamacadda Shaqaalaha Ethiopia halkaas oo ay Shahaadada heerka labaad siiyaan tiro kamid ah Shaqaalaha Dawladda Somaliland

 

Sida oo kale isla kulankan ayaan ku qorshaynay yoolka fog ee xidhiidhkan iyo jihada cusub ee deeqaha waxbarasho halkaas oo uu ku soo dhamaaday si barkhad iyo bushaaro leh.

 

Booqashada iyo bogaadintu waa mid kamid ah tiirarka ugu adag ee dhidba xidhiidh wanaaga iyo adkaynta wada-shaqaynta tolmoon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here