DEG DEG Madaxweyne Muuse Biixi oo Xilkii ka qaaday wasiiro uu ka mid yahay maaliyadda, arrimaha dibedda iyo waxbarashada meelona loo bedelay

0
693

Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Taariikh: 10 /11/2018

WAR-SAXAAFADEED

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/XM/WM/222-233/112018 uu Magacaabid iyo Isku-beddel ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

 

Magacaabid iyo Isku-beddel

Markaan Arkay:               Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

 

Markaan Arkay:               Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

 

Markaan ku Qancay:        In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

 

Markaan Sameeyey:         La-tashi Ballaadhan;

 

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

1)      In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

 

Tir

Magaca

Xilka

1

Cismaan Jaamac Aadan Iimaan

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

2

Deeqa Cabdi Yuusuf Dhidar

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga

3

Faadumo Cabdillaahi Cumar Diiriye

Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka

 

2)      In laga bilaabo taariikhda maanta aan mas’uuliyiintan u beddelo xilalkan:

 

Tir

Magaca

Xilka

1

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

2

Sacad Cali Shire – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda

3

Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame  (Dhaga-weyne) – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda

4

Maxamed Daahir Axmed Furreh – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda

In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

5

Axmed Abokor Maxamed Yuusuf – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga

In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

6

Yuusuf Maxamed Cabdi Raage – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda

In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka

7

Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here