Maamulihii Madaarka Hargeysa Maxamed Yuusuf Oo Ka Dareen Celiyey, Xilka Qaadistiisii, Xil Loo Magacaabay Sababta Uu Ku Diiday Iyo Dadkii Ay Shaqada Isku Seegeen + Aflagaadooyin Uu Sheegay In Baraha Bulshadda Looga Baahiyey

0
465

Maamulihii Madaarka Hargeysa Maxamed Yuusuf Oo Ka Dareen Celiyey, Xilka Qaadistiisii, Xil Loo Magacaabay Sababta Uu Ku Diiday Iyo Dadkii Ay Shaqada Isku Seegeen + Aflagaadooyin Uu Sheegay In Baraha Bulshadda Lagaga Baahiyey

“Madaarka Lay Igmaday Imika Hargeysa 24 Jirka Nusasaacaha Ayaa La Siiya, Aniga Oo Yar Oo Dhalinyaro Ah Ayaan Ku Tisqaaday In Aan Siyaasadda Iyo Shaqada Qaranka Ugu Shaqeeyo, Tiina Illaahay Iguma Xilin” Maamulihii Madaarka Caasimadda Hargeysa Maxamed Yuusuf Iimaan

Maamulihii Madaarka Cigaal Airport ee Caasimadda Hargeysa md Maxamed Yuusuf Iimaan, ayaa ka dareen celiyey xil ka qaadistii uu maareeyaha Hay’adda Duulista Iyo Madaaradda ee Somaliland Capitan Cabdi Maxamed Rodol ka qaaday, waxaanu sido  kale tafaasiil ka bixiyey xil kale oo loo magacaabay iyo sababta uu ku qaadan waayey xilkaasi, isaga oo dhinaca kale si togan uga hadlay mudadii 7-ba sanno ahayd ee Madaarka Caalamiga Cigaal Airports ee Caasimadda  Hargeysa uu ka madax wixii uu qabtay iyo wixii ay kala muteen wanaag iyo Xumaan shaqaale iyo madax dadkii ay soo wada shaqeeyeen mudadaasi.

Maxamed Yuusuf Iimaan oo shalay Magaaladda Hargeysa kula hadlaayey Talafeeshinka ERYAL-tv, waxa uu sheegay in shaqsiyan uu ku qanacsan yahay isla markaana uga mahadcelinaayyo wada shaqayntii soo dhex martay iyo xilka uu ka qaaday Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland Duuliye Sare Cabdi Maxamed Rodol, isaga oo sababeeyey xil kale oo loo magacaabay iyo sababta uu ku qaadan waayey isla markaana ka hadlay tacabkii Kulmiye ka soo galay wakhtigii uu Kulmiyeyahanka soo ahaa ee doorashooyinkii madaxtinimada ee dalka ka dhacay uu soo garab istaagay 2-dii madaxweyne ee Kulmiye ka soo baxayba, isaga oo farta ku fiiqay aragtidiisa dadkii ay shaqada isku seegeen intii uu madaxda ahaa, kuwo Baraha bulshadda aflagaado kaga qoray iyo mustaqbalkiisa siyaasaddeed in uu Kulmiye ku garab taagan yahay iyo in kale.

Maxamed Yuusuf Iimaan ugu horeyntii waxa uu soo dhaweeyey Xilka uu ka qaaday Maareeyaha Maxamed Rodol  “Kolay maan jeclayn anigu in aan ka hadlo xilka qaadista balse In badan ayaa taleefano ii soo dirteen (Saxaafaddu) , balse xilka qaadistaasi laygu sameeyey kolayba waa Sunaha dawladnimo oo magacaabitaanku iyo xilka qaaditaankuba oo marka lagu magacaabo ee masuul meel looga dhigo qasab maskaxdaada waxa ku soo dhacaysa in maalin maalmaha ka mida ah wakhtiga uu doono ha ahaate in masuuliyada iyo xilka aad qaranka u hayso laga wareejin doono tiina shalay ayey timid sida darteed xilka qaadista waan ku qanacsanahay waanan soo dhawaynayaa , Inshaalaahu mudadii iyo wakhtigii dheera ee aan qaranka u shaqaynaayeyna shaqooyin wanaagsan ayaanu soo qabanay , dee xilka in qof loo magacaabaana wax cusub maaha ama mid xilka laga qaada mid  ku cusub  dalka iyo dadka maaha oo dowladdo waa wayn iyo madaxweynayaal iyo qaarado dhan ayaa isbedela tayduna waxba ta kama duwana waaba tu ka yar oo fudud kolka taas ayuumbay la mid tahay”

Maamule Maxamed Yuusuf waxa uu sharaxay sababta uu ku diiday xilka loo magacaabay ee Maamulaha Madaarka Diyaaraddaha Berbera oo xil aan jirin uu ku tilmaamay waxaanu yidhi “Su’aasha ah xilka cusub ee maamulaha madaarka Berbera laygu magacaabay in aan qaatay iyo in kale waa su’aal dadka oo dhami is waydiinayaan aadna ay saxaafadda iyo bulshaddu I soo waydiisay, waxa muhiim ah horta in lays waydiiyo madaarkan Berbera ee Maxamed Yuusuf loo magacaabay ma yahay mid jira oo shaqaynaaya oo shaqo qabta ma yahay Madaarka magaaladda Berbera , marka kolka ay meeshi tahay mid jirta ayaa lays odhan karaa xilka meeshaasi laguugu magacaabay ma qaadatay mise maad qaadan, laakiin meel jirta oo shaqaynaysa oo gacanta dawladda iyo hay’adda madaaradda iyo duulista hawadda ku jirta maaha ee meeshaasi Madaarka Berbera dowladdii hore ee Madaxweyne Siillaanyo waxay ku wareejisay Saldhig Milatari oo dowladda Imaaraadka carabta laga siiyey, kolka  Inshaalaahu maansheegin  mustaqbalka madaarka diyaaraddaha Berbera ee Imaaraadku dhisi doonaan in Maareeye layga dhigi doono, laakiin maanta xi lama madaar jiraba maaha”

Maxamed Yuusuf oo su’aal laga waydiiyey bal in wax Khilaaf ama meel ay isku seegeen isaga iyo Maareeye Rodal ay sababtay xilka qaadistiisa waxa uu ku jawaabay “Maareeyaha wax aanu isku seegnay iyo waxaanu isku qabanay dee qofka marka aad meesha ka tagto dhaqanka ayaanay ahayn in aad qofkii isa sii xagataan oo aad wax ka sii sheegto ama meeshii 7-da sanno aan xukumaayey in aan sii caayo oo aan qof idhaahdo sidan uu ahaa iyo sidan ayuu ahaa dhaqanka gobta walaal maaha, aniga maareeyaha in mudo ahna waanu soo wada shaqaynay , waanan u mahadnaqayaa sharaf iyo karaamo ayaan u hayaa imikana waanu ku kala tagnay ceeb iyo caytoona na kala gaadhi mayso , safarkaygana muu dhibsane waxaan qabaa anigu waxa dhamaatay dharaarihii iyo wakhtiyadii xaga rabi laga qoray ee aan maamule madaarka Hargeysa ka sii ahaanlahaa”

Maamule Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo su’aal kale laga waydiiyey 7-dii sanno ee shaqada  maamulaha madaarka Caalamiga ee Hargeysa uu madaxda ka ahaa shaqaalihiisii iyo intii  shaqadu kulmisay ee isaga ka cabanaysay ama si uun ay isku seegeen maalmihii shaqada wuxu ku sii sabootiyaayo waxa uu yidhi “Walaal horta xilka ayaa iska leh Xargafta iyo xulufta siyaasiga ah ee shaqaalaha,marka aad masuul tahay ee aad xil haysana waxa la yidhaahda xigmad ayaa waxay tidhaahda “hadii aad doonayso in aad dadka wada raaligeliso dee hogaamiye ha noqon ee orod oo Jalaatada suuqyada ku Iibi, halkaasi ayaad wax qab qaboow oo dadka wada raali geliya uga heli kartaaye”,laakiin marka aad hogaamiye tahay meela aad joogto cid ka cabanaysa iyo cid ku dhaliilaysa iyo cid ka soo hor jeeda intaba waad yeelanaysa Kursiga aad ku fadhido ayaana dhaliisha iyo ceebtaaba leh, laakiin anigu waxaan qaba inta taariikhda aan xilka Maamulaha madaarka Hargeysa joogay shaqaale waynaha madaarka iyaga ayaan marag u qabsanayaa, maragna waxa u fiican dadkii aad xukumaysay iyo dadka aad la shaqaynaysay iyo dadkii ay ku marag furayaan , maanta waxaan aaminsanahay shaqaalaha madaarka Hargeysa ee Kunka qof ku dhaw hadii cod la geliyo qof iyo laba aanu shaqada Kursiga isku seegnay mooye nin walba in uu ka markhaati kacaayo hogaamintaydii iyo siyaasadii iyo hufnaantii iyo hawlkarnimadaydii shaqada aan muujiyey , marka kolay shaqaalaha qofku inta uu xilka hayo ayuumba keenaysa isqabsiga, maantana cid aanu iska jecelahay iyo hogaamiye ahaan cid ay shaqaalahaygii iga jecel yihiin ma jirto ayaan qabaa”

Maxamed waxa la waydiiyey maadama oo uu ahaa dhalinyartii Xisbiga Kulmiye taageerada buuxda la soo garab istaagaya wakhtigii doorashaddii Madaxtooyadda ee sannadkii hore ee 2017-ka dalka ka dhacday in abaal looga dhigay xilka ka qaadis halkii uu filaayey in la dalacsiiyo sida uu u arko waxa uu yidhi “Dalkan Somaliland in isbedel siyaasi ahi ku yimaado maadama oo doorasho dhacaysay 3 murashax ayaa la kala dooranaayey anigu marka fikirkayga hogaamiye Muuse Biixi Cabdi waxaan u arkaayey in uu yahay qofka ugu haboon  ee dalkan hogaamin kara ee wadi kara, xilkana dee Muuse aniga oo mucaarid ah oo Kulmiye ah ayaa jirtay oo Kursi iyo manfac aan ku qabo anigu Xisbiga Kulmiye kumaan ahayn , markii uu taladda ku guulaystayna xil iyo masuuliyad ayaa layga dhiibay oo aan ku shaqeeyey , maanta oo aan xilkii ka tegayna waxaan aaminsanahay in aan xilkii ka dib Kulmiye aan la sii shaqayn doono oo nin ii adeer ahaa oo  Gabyaa ahaa ayaa yidhi “Hashaan Gaado Weynoow Libaax Uga Cabsoon Waayey In Aan Goroyo Cawl Uga Tagaa Waa Mid Aan Ila gudbooneyn” micnihii waxaan uga wadaa  tacab badan ayaa xisbiga Kulmiye iga galay oo dedaal badan ayaan geliyey in badan ayaan u soo shaqeeyey dee nin aan Irbad dun u gelin xisbigii ama aan uga cadhoodo maanta waa arin aan meesha oolin, siyaasaduna marka aad u da yar tahay fud fudaydka iyo ged gedoonka iyo dhalan gediska faraha badan leh qofka looga qurux badan , waxa aad berito dalka iyo dadka gashato ayuumbaad dheeftiisa ka helaysaa, kolka xisbiga Kulmiye waan la sii shaqayn doona madaxweyne Muuse Biixi-na waan dhisi doona hadii uu mar 2aad  isa soo sharaxo iyo mar 3aadba, raguna waa laba oo waa xil ku nin iyo nin sidiisa u nin ah, aniguna waxaan aaminsanahay hadii aan banaanka u baxo iyo hadii aan xilka hayaba in aanan xilku nin ahayn ayaan qirayaa”

Maamulihii Madaarka Cigaal Airport ee Caasimadda Hargeysa md Maxamed Yuusuf Iimaan waxa uu kelmad sida uu hadalkiisa u dhigay dad uu sheegay inay Baraha bulshadda ee Facebook-ga si shaqsi weerar ah isaga bartilmaameed uga dhigteen waxaanu yidhi “Ugu dambeyntii aniga si shaqsiyan wax laygu dhaliilaayo oo badani ma jiro, laakiin dad badan oo xalay Baraha Bulshadda ka caytamaayey oo si qaldan u hadlaayey oo shaqsiyan aniga wax iiga sheegaayey iyo kuwo qaar shaqsiyan I caayeyba labadaba waan arkaayey, laakiin anigu kuwa u jawaabi maayo oo xigmad ayaa waxay tiraahda qofka Illaahay uu wax la damco ama uu wanaagiisa faafiyo , waxa uu u dira qofkaasi Carabka Xaasidka , marka anigu kuwa Baraha bulshadda iga caayey waxaan aaminsanahay inay xilka iyo xaasidnimo uun ay jirto, dadkuna waa laba uuno, qofna waa mid wax caaya dadna waa dad la caayo , marka aniga sharaf ayey ii tahay in aanu Illaahay iga dhigin kuwa wax caaya ee meelaha Facebook-yada wax ku qora una jawaabi maayo anigu walaal oo dadkani Illaahay ayaa madax iiga dhigay oo sidaan hore u sheegay Isgiriinka ayaan iska iibinlahaa hadii aan cid kasta doonaayo in aan wada raali geliyo”

Ugu dambeyntii waxa uu si kooban uga warbixiyey mudadii uu madaxda ka ahaa Madaarka Hargeysa iyo waxyaalihii u qabsoomay waxaanu yidhi “Hadii aan si kooban uga jawaabo wixii ii qabsoomay mudadii 5 sanno ahayd ee aan Maamulaha Madaarka Hargeysa ahaa, Jamhuuriyadda Somaliland waa marka kaliya ee ay u suurto gashay 5-ta diyaaraddood ee Caalamiga ah ee ee afka qalaad waxa lagu yaqaano (Flight Carrier)-ka ee dowladduhu ay leeyihiin 5-ta sanno ee aan joogay ayey madaarka Hargeysa duulimaadyo ka bilaabeen oo ay yimaadeen oo ay ii suurto gashay in ay madaarka ka shaqeeyaan , nasiib wanaag waxaan maanta xilkii wareejinayaa iyada oo hore madaarkeena aanay wax diyaarado caalami ahina aanay ka shaqayn jirin balse maanta 5 diyaaraddood oo caalami ahi ay duluulimaadyo kaga shaqeeyaan madaarka Hargeysa, waxa kale oo xusid mudan waa markii u horaysay ee wax dhawaaq ah oo dhibaaya qaranka Somaliland amaba dhiilo ku ah sumcad qarankan Madaarka Hargeysa mudada aan xilka hayey kamay soo yeedhin xata hal shil iyo xal Ceeb iyo hal fadeexad oo madaarka Hargeysa kaga timid mudo xileedkaygaasi may jirin , taas ayaa taariikh iyo jaraf aan umadayda ku dhex joogaayo mudo xileedkaygii iyo wixii aan qabtay ayaa iigu filan, waxa kale oo aan xusayaa aniga oo 24 Jir ah ayaa xilka iyo masuuliyada Madaarka lay igmaday imika Hargeysa 24 Jirka Nusasaacaha ayaa la siiya, aniga oo yar oo dhalinyaro ah ayaan ku tisqaaday in aan siyaasadda iyo shaqada qaranka ugu shaqeeyo tiina Illaahay iguma xiline si waayeelnimo iyo odaytimo ah ayaan xilkaygii u gutay waanan fu faraxsanahay”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here