Wasiirka Warfaafinta Oo Telefiishanada Saab Iyo Star Ku Eedeeyay Inay Xidhiidh La Leeyihiin Jabhadda Caarre, Nuxurka Dacwad Uu Ka Gudbiyay

0
431

Xarunta xuquuqul insaanka madaxa-bannaan ee Somaliland ayaa walaac ka muujisay amar ay sheegtay in uu cabudhin ku yahay warbaahinta kaasi oo uu soo saaray wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo.

Qoraal ay soo saartay xaruntu ayaa lagu yidhi:

“Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay u soo jeedinaysaa Wasiirka Warfaafinta ee Jamhuuriyadda Somaliland inuu joojiyo amarada is-daba joogga ah ee xanibaadda ku ah xorriyadda warbaahinta oo ay ilaaliyeen dastuurka iyo Xeerka Saxaafaddu.

1 November 2018 wuxuu Wasiirka Warfaafinta, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax, u qoray waraaq Xeer-ilaaliyaha Guud oo uu ka codsaday inuu “talaabo sharci ah” ka qaado labada telefiishan ee kala ah Saab iyo Star.

Wasiirku wuxuu ku eedeeyey labada telefiishan inay jebiyeen amar hore oo ku waajibinayay warbaahinta “inaanay wax xidhiidh ah la samayn kooxda budhcadda ah ee Caare,” sida waraaqda wasiirka oo ay aragtay Xaruntu lagu sheegay.

Waraaqda Wasiirku waxaay ka hadlaysaa sarkaal hore uga tirsanaan jiray Ciidanka Qaranka oo ka tegay, sheegayna inuu samaystay waxa uu ugu yeedhay “jabhad hubaysan oo mucaarad ah.”

Wasiirku wuxuu sheegay in labada telefiishan ay “si badheedh ah u baahiyeen 27 October 2018 war dhaawac ku ah Qaranimada,” wuxuuna ka codsaday Xeer-ilaaliyaha Guud inuu talaabo ka qaado Saab iyo Star si “looga hortago in warbaahin kasta fidiyaan warar khalkhal gelinaya amaanka iyo xasiloonida dalka.”

Maamulka mid ka ah telefiishanada wasiirku magacaabay ayaa u sheegay Xarunta Xuquuqal Insaanka inaanay jebin shuruucda Somaliland, balse ay sii daayeen war uu tebiyay “sarkaalka ka goostay ciidanka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here