“Muuse Biixi Wali Si Shaqsiyan Ah Iskumaanu Qaban, Laakiinse Siyaasadda Ayaanu Iskaga Soo Horjeednay, Oo Madaxweyne Siilaanyo Ayaan La Safnaa, Markasta Oo Ay Isjiidhaan”

0
403

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Ahna Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa markii u horaysay ka hadlay sababaha kala erdheeyay ee ay isku seegeen Madaxweynaha hadda talada dalka haya ee Muuse Biixi Cabdi wakhtigii uu Siilaanyo dalka ka talinayay, Waxa uu sheegay inay isku aragti ka noqon waayeen dhinaca Siyaasada, waxa kale oo uu sheegay inuu mar walba la safan jiray Siilaanyo marka ay isqabtaan Siilaanyo taasina ay qayb tahay sababaha sii kala fogaysay isaga Iyo Muuse Biixi wakhtigii uu Gudoomiyaha Kulmiye ahaa, Xirsina Madaxtooyadda Joogay.

Sidan ayuu Hogaamiye Xirsi ka Sheegay waraysi dhinacyo badan taabanaya oo uu la yeeshay Macalin Faysal Fadh fadhle oo ka mid ah Bahda Telefishanka Caalamiga ah ee Universal, waxaanu ku bilaabay hadalkiisa “Muuse Biixi wali Si Shaqsiyan ah iskumaano qaban,laakiinse siyaasada ayaan ku soo kala horjeednay, Madaxweynaha ayaan la safnaa, isagana way isku jiidheen, markaa tartankii siyaasadeed ee na dhex marayay mooyaane wax Shaqsiyan ah oo na-dhex maray majirto oo waligayo iskumaan qaban,markaa majirto Cadawaad siyaasadeed oo noo dhexaysaa imikana nooma dhexayso, markii horena noomay dhexayn oo aan shaqsi ahaan isku hayno, laakiinse aragti siyaadeed oo kala duwan waanu lahayn. Muuse Biixi intaanu isku qabanay waxay ahayd intii aanu Xukuumadda Wada joognay markii hore ee mucaaridka, Mucaarid ayaanu wada ahayn markaa intii aanu Xukuumadda joognay isna Gudoomiyaha Xisbiga ahaa ayaanu ku kala duwanayn, ana Madaxweynaha ayaan la safnaa isaguna Ra’yigiisa ayuu watay oo waxa uu doonayay Kursiga oo dee waakii aad arkaysay ee u ordayay ee Marar badan la iskaga horyimid”.

Isagoo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyay sida uu u arko Xukuumaddan Cusub ee uu Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa uu yidhi “Waxaan u arkaa Dawlad Cusub oo sanad jirtay oo iigama muuqato runtii markaan Guud ahaan eego Horumar badan oo indhuhu soo jiitaan,yacni filashadii, yacni maadaama oo ay Dawladdu, Dawlad ahayd, Dawlad kale oo Xisbigeeda kala wareegtay inay markiiba duusho oo dhaqaaqdo iigama muuqan, Sidoo kalena iigama muuqan dadka uu u cugtayna iigama muuqan, inkasta oo dad badan oo cusub oo aanan waxba ka sheegi Karin jiraan, oo ay kujiraan oo ay ku badan yihiin, haddana iigamay muuqan inay bulshadu ku qanacday, maaha inaan anigu qiimeeyo,laakiin hadal hayn badan ayaa kasoo noqotay, iyaguna wali may xaqiijin, ama dadka Bulshada ayaa ku qanacda ama iyaga ayaa xaqiijiya, inay u qalmaan wixii loo magacaabay”.

Ugu dambayn waxa uu yidhi isagoo arimahaasi ka hadlaya“iyaguna wali may xaqiijinin inay saaxada yimaadeen oo Heerkii u saraysay ee Xukunka ay yimaadeen, oo ay fuliyeen, ma odhanayo Kuli, intooda badan, markaa intooda badani may xaqiijiyay oo may soo jiidan indhaha dadka,hadal hayn badanna way keentay,Waxaana qiraya Kulmiye dadkii ka hadlay ee uu Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ka mid ka ahaa,ee  Jamaal Cali Xuseen ka mid ahaa, dad badanbaa  xusayay oo tilmaamayay,inaanay Boqolkiiba Boqol la dhacsanayn Xukuumadda la soo dhisay, oo aan ahaynba aragtida mucaaridka eh, ee ah aragtida kale ee uu Xisbigooduba qabo ah”. Ayuu yidhi Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan, Hogaamiyaha Xisbiga WADDANI.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here