Khilaafyo Isku Saansaan Eg- Wasiirrada Iyo Xisaabiyayaasha Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Laba Kastaa Dhinacooda Isku Haystaan Arrimo Aad Isugu Eeg

0
451

Khilaafyo isku saansaan eeg ayaa mar kali ah ka dhex qarxay Wasiirrada Maaliyadda iyo Xisaabiyayaasha Guud ee Somaliland iyo Somaliland oo laba kastaa dhinacooda khilaaf culusi u soo kala dhex galay saacadihii ugu dambeeyeyna warbaahintu si weyn uga hadlaysay wakhtiga khilaafkoodu isku soo beegmay aadna isugu egyahay nuxurka khilaafkoodu.

Ugu horrayn Khilaaf cakiran ayaa soo kala dhex galay sida shalay lagu baahiyey warbaahinta Online-ka ah ee Somaliland Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

Khilaafkan ayaa ka dhashay ka dib markii uu Wasiirka Maaliyadda Somaliland Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi uu xilkii ka qaaday Ku xigeenada Xisaabiyaha Guud, kuwaas oo isla markiiba magacaabay Bedelkoodii.

Xisaabiyaha Guud ayaa ku doodaya in aanu Wasiirka Maaliyaddu awood u lahayn in uu beddelo Ku Xigeennada Xisaabiyaha Guud, hasayeeshee Yuusuf Maxamed Cabdi Wasiirka Horumarinta Maaliyadda ayaa isna ku adkaysanaya in uu sharcigu awood u siiyay Magacaabista Ku Xigeennadda Xisaabiyaha Guud.

Labada Masuul ayaa arrintaasi ku murmay, waxaana ilo wareedyo u dhuun daloolaa ay shabakadda Hadhwanaagnews oo aannu warkan kasoo xiganay u sheegeen in uu hadalku ka taag-taagmay Labadaasi Masuul.

Waxa uu warku intaasi ku darayaa in Xisaabiyaha Guud uu markii danbe hadalka ku soo koobay in uu arrintan kala sheekaysan doono Madaxweynaha Somaliland, si xal kama dambays ah looga gaadho khilaafkooda.

Muddooyinkii ugu danbeeyay Masuuliyiinta Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa khilaaf cakiran qaar badan oo ka mid ah soo kala dhex galay, waxaana jira khilaafyo aan ilaa iminka xal laga gaadhin, kaas oo uu ugu danbeeyay Khilaafkii soo kala dhex galay Maareeyaha Hay’adda Wadooyinka iyo Wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka.

Markii haddaba warkani soo baxay waxa isla warbaahinta Soomaalida lagu baahiyey shalay khilaaf isna ka dhex qarxay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Xisaabiyaha Guud ee dalkaasi taasi oo noqotay arrin isku soo beegantay balse ubucda khilaafka labada masuuliyiin ee labadan dal uu kala duwanaa.

Khilaafka Masuuliyiinta dawladda Muqdisho ayaa soo kala dhex galay qaar ka mid ah heyadaha Maamulka dhaqaalaha ee dowladda isku sheegta federaalka Somalia gaar ahaan Wasaaradda Maaliyada iyo xisaabiyaha guud ee dalkaasi.

Khilaafka ayaa dibeda u soo baxay markii xisaabiyaha guud ee dalkaasi Soomaaliya Marwo Faadumo Cusmaan Faarax ay ku eedeysay been abuur, marin habaabin, qas iyo xad-gudub maaliyadeed Xafiiska Wasiirka Maaliyadda.

 

Maxaa keenay khilaafka?

Sida ku cad qoraalka ay soo saartay xisaabiyaha guud ee Maamulka Muqdisho Marwo Faadumo Cusmaan Faarax khilaafka ayaa bilowday markii Wasiirka Maaliyadda dalkaasi Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle uu magacaabay xilka Xidhiidhiyaha Xisaabiyaha guud iyo hay’adaha Maaliyadda taasi oo keentay in ay haweenayda Xisaabiyaha ahi ka cadhooto. Tallaabadaasi ayaa ka cadhaysiisay Xisaabiyaha guud ee Maamulka Muqdisho Marwo Faadumo Cusmaan Faarax iyadoo sheegtay in maadaama labada heyadood ay kala madax banaan yihiin aanu wasiirku awood u laheyn inuu magacaabo xilal noocaasi ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here